Hal-Abuur Qoraa Xamse Riiraash Oo Hanbalyo U Diraya Xuska Maalinta Dhalinta Aduunka Iyo Somaliland-ba

Sida aan ognahay dhalintu sidoodaba waa awooda iyo ijiinka dhaqaajiya laf dhabarna u ah  waxyaalaha dhaqan dhaqaale iyo horumarinta bulsheed ee umaddi leedahay.
Bulshooyinka kale duwan iyo waddan kastoo horumar tiigsadayna haddii aad  u fiirsato waxa kuu cadaanasa in ciddii tuushkaasi u  ifisay ay yihiin dhalinyaro.
Dhalintu waa cudad aan laga maarmi karayn marnaba.rasuulkeenuna dadkii uu adeegsaday  diintana kor u qaaday waxa ay  ay ahaayeen dhalinyaro.kadib markii  uu u  haajiray madiina halkaasi oo ay kusoo dhaweeyeen mujtamacii reer anzaareed ee u badnaa dhalinta markii ay  u baxeen dhankii nuurka.
Dalkii japan ee dagaal weynihii 2aad lala beegsaday atomic pump-yadii  ee dhibaatada aadk u weynina ka dhacdayeem ciddii ka saartay oo dalkaas  horumarka inta leeg u keenayayna ay ahaayeen dhalinyaro.
Dalkeena somaliland waxa ku nool dhalin badan kuwaas oo doorar badan ka ciyaara meelo kala duwan in kastoo loo baahanyahay in ay waliba aad uga muuqdaan dhanka siyaasadda iyo arrimaha socialka.
Balse waxa aad moodaa in xukuumaddan biixi pariyootiga saartay dhalinta oo ay aad ugu dadaashay ugana muuqdaan qaybaha kala duwan ee dawladda taana way ku mahadsanyihiin.
Haddaba Waxa kaloon hanbaliyo u dirayaa kooxaha ururka sonyo oo ah dalad muhiima. in kastoo ay tahay in ajendayaashooda ballaadhiyaan dalka oo dhan ka muuqdaan.
Maqaalka maanta
hamse riiraash.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker