God-maanseedka heesta Mabsuuday: Weydiin Aan U bandhigay Culimada Maansada!

God-maanseedka heesta Mabsuuday: Weydiin Aan U bandhigay Culimada Maansada!

Mabsuuday was hees tidcan ah oo leh qaafiyad isku mid ah iyo ereyo ay ku dhammaato.

Waxa curiyay Abwaan

Abdirahman Haji

. Waxa codkiisa ku qaada Alfannaan Maxamed Axmed Bakaal Cirro. Xaraf-raaceedu waa Miim ama M. Qaafiyaddeeduna waa AY, shardigan waxa leh suugaanta Carabiga.

Bad ahaanteedu waxa ay iila muuqatay mid leh godad is-beddelaya, sidaas ayaan ugu baahday inaan ugu bandhigo culimada maansada.

Ganey

inuu naqdiyo ayaa u furan.

Waxa uu yidhi

“Mafsuudey dartaa muusoodey
Muxubbada awgaa muraaqoodey
Haddana marwooy ku madiixay
Galgacal mug weyn kugu marriimay
Hir magoolay kugu masaalay
Maashayoo jacaylka miskeedshay
Midhihii baxayaba kugu macsuumay
Shaygii mudanba kula maseeyay
Kaama maarmo kaama maarmee
Kaama maarmee midigtaada ii dhiib
Masalooday dartaa maansooday
Mahadho awgaa murugooday
Meeqaamka sharaftaada miisaamay
Muunaddii adduun kugu macneeyay
Macaaneey NAFTA kula mataanshay
Maalmaha adag kula midoobay
Maskaxdiyo qalbiga kugu macsuumay
Mahiigaan jacayl kugu mansheeyay
Kaama maarmo kaama maarmee
Kaama maarmee midigtaada ii dhiib”
WQ: Siciid Maxamuud Gahayr

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker