Hay’adda SDF Oo Saxaafadda Iska Hortaagtey Duubista Wararka Xukuumadda

 

Ceerigaabo(OWN) Mas’uuliyiin kasocda Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF) ayaa waxy saxaaafadda Madaxa bannaan iska hortaageen inay duubaan wararka laxidhiidha socdaalka wefti uu hoggaaminayo Wasiirka Xannaanada Xoolaha & kalluumaysiga Somaliland Siciid Sulub Maxamed oo safar shaqo subaxnimadan saaka kusoo gaadhey magaalada Ceerigaabo.

 

Mas’uuliyiintani waxay sheegeen inaan saxaafaddamadaxa bannaan  loo oggolayn inay duubaan gebi ahaanba warka wasiirkan iyo weftigiisa oo lagaga hadlayey kulan lagu qabtay Hotel Redsea ee magaalada Ceerigaabo marka laga reebo laba TV keliya iyagoo sarkaal SDF katirsan iyo askar boliis ah istaajiyey albaabka laga galo hoolkaas si aanay ugelin halkaas saxaafadda ay takoortay hay’adda SDF taasoo ilaa hadda aan la ogayn ujeeddada ka danbaysa iyo arrimaha dahsoon ee mas’uuliyiinta SDF daboolka saarayaan.

 

Waxana xusid mudan in saxaafadda qaarkeed codsadeen inaanay wax dhaqaale ah ku doonayn duubista warka weftiga wasiirka balse ay u baahan yihiin warka oo keliya haseyeeshee taasna way aqbali waayeen mas’uuliyiinta SDF kasocdey.

 

Sikastaba ha ahaatee arrintan ayaa marka dhinacyo badan laga eego waxa la isweydiin karaa su’aalo badan oo laxidhiidha waxa hay’adda SDF qarinayso.

 

Oodwenenews.com/Ceerigaabo

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker