“Maxamuud Xaashi Waan u tegay waxaan ku idhi Maxamuudow maanta jaanis kuma lihid Xisbiga kulmiye…”

Xoghayaha Guud ee Xisbiga KULMIYE Xasan Siciid Yuusuf ayaa dhawaan sheegay in go’aanka iyo talada masuuliyiinta Xisbiga KULMIYE ay tahay in marka la gaadho  shir weynaha afraad ee Xisbiga ee la filayo inuu bisha tobnaad ee sannadkan ka qabsoomo Magaalada Hargeysa in dib loogu dooranayo Guddoomiyenimada Xisbiga Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, kaas oo aanay jirin cid kale oo kula tartami doonta jagadaas.

 

“Maxamuud xaashi waa nin Xisbiga ka tirsan xaqna wuu u leeyahay inuu isa soo sharraxo isaga iyo cid kale oo badaniba marka xilligeedda la gaadho hawsheeda ha noqoto, laakiin waxa weeye hadda xisbi ahaan taladayadu ama go’aankayagu wuxuu ahaa iyadoo laga faa’iidaysanayo khilaafkii berigii hore soo dhexmaray Xisbiga Guddoomiyaha iyo Madaxweynaha oo kala soocan, in muddada shanta sannadood ee koobaad ee muddo xileedka Madaxweynaha inuu Madaxweynuhu isku hayo Guddoomiyaha iyo jagada Madaxweynaha intaa wixii ka dambaysa Maxamuud Xaashi iyo cid kasta iyo annigaygan iyo cid walba wuu u furan yahay .” Ayuu yidhi Xasan Siciid.

 

Dhanka kalena Guddoomiyaha qaban-qaabada shir weynaha Afraad ee KULMIYE  Cabdikariin Xinif ayaa sheegay inuu ergo ahaan ugu tegay Siyaasi Maxamuud Xaashi, isla markaana uu u sheegay in aanu jaaniskan maanta lahayn Maxamuud ,balse in aanu iska xumayn jaanisyadda dambe “Maxamuud waxaan doonayaa siyaasadda uu Xisbigu qaatay inuu la qaato waan u tegay waxaan ku idhi Maxamuudow maanta jaaniskan ma lihid ee ha iska xumayn jaanisyada dambe,waa laga yaabaa wakhtigan wakhti ay dhaanto in aad jaanis yeelatee ha iska xumayn jaanisyadda dambe  Xisbigana dani uguma jirto, wuxuu yidhi arrintaas Maskaxdayda hore uguma jirin Madaxweynuhuna inuu tartamayo oo guddoomiyaha Xisbiga uu noqonayo anniga cidi iima sheegin manaan ogeyn, wuxuu yidhi talo ayaan iskugu noqonayaa taladiina go’aankeedii waan ka sugayaayo odeyn weyn oo is xil qaamay ayaan ahay oo is yidhi waxani inta aanay meel kale gaadhin halkan haddii ay ku bakhtiyi karayso haku bakhtido .” Ayuu yidhi Xinif

 

Waxaanu Guddoomiye Xinif uu intaas ku daray inuu Guddoomiyaha Xisbiga iyo ku-xigeenka uu ku kale dhisayo Madaxweynaha iyo Maxamed Kaahin marka la gaadho shir weynaha afraad ee Xisbiga, isla markaana aanay jirin cid kale oo la tartamaysaa “Han waan leeyahay oo wax ayaan doonayaa, laakiin Guddoomiye Xisbi iyo ku-xigeen toona ma rabo labadaba labadan nin ee jooga ayaan ku kale dhisayaa wakhtigan iminka annigu wakhti kale kama haddal , lakiin jaaniska iminka labadooda ayaa leh warcad saw mahaa ..” Ayuu yidhi Xinif

 

Sidoo kale Guddoomiye Axmed Cabdi dheera ayaa isna mar uu war-baahinta la haddlayey sheegay sidan :- “Musharaxnimada Xisbiga waxay ka soo baxdaa oo gooya hoggaanka Xisbiga iyo golaha fulinta annaga ayaa soo bandhigna qofka aanu ka iibinayno shacabka soo hordhigayno aanu doonayno inuu Xisbiga hore u qaado Xisbiga ayaa keenay kama yimaado banaanka kama yimaado gole deegaan oo la isku sharaxayana maaha waa Xisbi himilo leh ninkii himiladiisa hore u sii qaadayaa Xisbiga ayuu ka dhex yimadaa, arrinkaa Maxamuud-na xor ayuu u yahay wuxuu odhanayo, lakiin Guddoomiyenimada Xisbiga maanta waxa ah oo haya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa guddoomiyaha Xisbiga ah isma uu soo sharixin oo war-baahinta, iska muu soo sharixin Xisbiga dhex-diisa ayaa laga sharaxay Siilaanyona Xisbiga dhex-diisa ayaa Xisbiga dhex-diisa ayaa laga sharaxay labadaa Guddoomiye ayaa soo maray Xisbiga, iminkana wuxuu ka soo dhex baxayaa Xisbiga Musharaxa Guddoomiyaha Xisbiga noqonaya marka ay gaadho wakhtigeeda  “Ayuu yidhi Guddoomiye Axmed Cabdi Dheere.

 

Si Kastaba ha-ahaatee Guddida qabanqaabada shirweynaha Afraad ee xisbul-xaakimka KULMIYE, ayaa ku dhawaaqday toddabaadkii hore inuu bisha tobnaad ee sannadka 2020-ka uu shir weynihii afraad ee Xisbigu uu ka qabsoomidoono Magaalada Hargeysa, waxaanay masuuliyiinta Xisbiga ay horay u sheegaan in Guddoomiyenimada Xisbiga dib loogu dooran doono Madaxweyne Muuse Biixi oo hadda haye xilkaas, balse waxay bulshada reer Somaliland ay dhawrayaan halka uu ku dambayn doono hankii Siyaasi Maxamuud xaashi iyo damaciisii Guddoomiyenimada Xisbiga KULMIYE,waxaynu dhawrnaa waa shir weynaha afraad ee KULMIYE iyo bisha fooda inagu soo haysa ee Oktoobar 2020-ka .

 

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Madaxtooyadda Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa isagu dhawr jeer oo uu war-baahinta la haddlay shaaciyay inuu yahay musharrax u taaggan jagada Guddoomiyaha xisbiga muxaafidka ah ee KULMIYE marka la gaadho shir weynaha afraad ee Xisbiga,kaas oo la filayo inuu ka qabsoomo bisha tobnaad ee sannadka 2020-ka Magaalada Hargeysa sida ay sheegeen guddida qaban-qaabaada shirkaas.

 

Siyaasi Maxamuud xaashi

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker