Shirweynaha Xisbiga Kulmiye ,, Waakee Masuulka ugu Dhaw inuu Noqdo Gudoomiyaha Xisbigaas

Hargeysa (OWN) – Shirweynaha Xisbiga Muxaafidka ee KULMIYE ayaa loo muddeeyay inuu qabsoomo horraanta bisha October, 2020.

Shirweynahan ayaa la filayaa inaanu keenin isbeddel weyn oo lagu sameeyo hoggaanka Xisbiga, waxaase la filayaa in ergadu isbeddel ku samayso tirada guddiga fulinta iyo Golaha dhexe ee Xisbiga.

 

 

Laakiin, Shirweynaha Xisbiga ayaa la saadaalinayaa inay hadhayn doonto xiisad siyaasadeed oo ka iman doonta Guddoomiye-nimada Xisbiga, iyadoon la ogayn in Madaxweyne Biixi uu Guddoomiye-ninada Xisbiga Wareejin doono.

 

 

Siyaasiga Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa hore u sheegay inuu u baratami doono Guddoomiyaha Xisbiga marka la gaadho Shir-weynaha, laakiin Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa ku dhawaaqidda damaciisa wuxuu ku kasbaday Cadaawad siyaasadeed, waxaanu  Mad-madow soo kala dhex galay isaga iyo Madaxweyne Biixi oo aad u kala fogaaday.

 

 

Inkasta oo ay jiraan dedaallo lagu doonayo in la isugu soo dhaweeyo Madaxweynaha iyo Maxamuud Xaashi, haddana ma jiro wax kulan ah oo si dadban iyo si toos ah u dhex maray Madaxweynaha iyo Siyaasigan, tan iyo xilligaa uu Maxamuud Xaashi ku dhawaaqay Damaciisa, lamana hubo in Maxamuud Xaashi uu ka mid noqon doono Ergada ka qayb-galaysa Shirweynaha Xisbiga.

 

 

Madaxweynaha Biixi ayaa la sheegay inuu daba-yaaqada bishan la ballansan yahay Madaxda dhaqanka ee Beelaha bariga Burco oo la filayo inay ka wada-hadli doonaan Mustaqbalka hoggaanka Xisbiga Kulmiye.

 

 

Si kastaba ha ahaatee, su’aalaha la iswaydiinayo ee uu ka jawaabi doono Shirweynaha Xisbigu waxa ka mid ah, in Madaxweyne Biixi uu wareejin doono Guddoomiye-nimada Xisbiga iyo inuu Gacantiisa ku sii haysan doono iyo weliba haddii Maxamuud Xaashi uu waayo fursad uu Xisbiga kaga dhex tartamo inuu sii joogi doono Xisbiga iyo inuu Rarri doono Geeddi siyaasadeed oo cusub.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker