Ciidamada Dab damiska oo Xalay Badbaadiyay Hanti ku Guban Lahayd Suuq Waaheen ee Magaalada Hargaysa

Ciidanka Dab-demiska Caasimada Hargeysa oo Habeenimadii xalay damiyay Dab Qabsaday Mid ka mida Meheradaha Suuqa Waaheen

agabka laysku qurxiyo. Ciidamada ayaa sidoo kale ku guuleystay inay dabkaa ka badbaadiyaan Suuqa intiisa kale, kaasoo oo halis galiyay meherado badan oo ku yaalla suuqa. Taliyaha ciidanka Dab-demiska SomalilandSareeye guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxilioo hawlgalkan ka hadlay ayaa ka warramay qaabka ciidanku u soo gurmday waxaanuu sheegay in ciidanku isla markii ay goobta
yimaadeen ay jabiyeen albaabkii meherada,

 

waxaana hore ugu sii socdeen gudaha meherada oo dab weyni haystay, iyadoo ilaahay mahadii ciidanku
dabkaas halkii ay ugu tageen ku damiyay. Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in caqabad ay noqotay in ciidanku gudaha u
galo Bacadlaha, maadaama aanay jirin waddooyin waaweyn oo gaadiidka  dab-demisku si fudud uga geli karaan, waxaanuu taliyuhu tilmaamay in
muddooyin badan talooyin ku soo jeediyeen in wax laga qabto marinada loo soo maro bacadlaha inay noqdaan kuwo si sahlan loo mari karo.

 

Dhanka kale taliyuhu wuxuu talooyin u soo jeediyay ganacsatadu in meheradaha habeenkii iyagoo korontadu u baxayso laga tagayo, in loo
sameeyo waashmaan gudaha jooga oo la socda xaalada meherada, sidoo kale taliyuhu wuxuu ka hadlay shil baabuur oo ka mida gaadiidka shacabku uu ishortaag shaqo ku sameeyay gurmadkii ciidanka kadibna dhaawac soo gaadhsiiyay gaadiidkii iyo laba ka mida xubnaha ciidanka oo dhaawac sahlan soo gaadhay,

 

waxaanuu taliyuhu u sheegay in wadayaasha gaadiidku marka ay gurmadka hoonka gaadiidka ciidanka maqlaan ay u banneyaan waddada.
Ciidanka Booliska gaar ahaan kuwa caasimada ayaa iyaguna dhankooda ciidanka kala qayb qaatay gurmadkan gaar ahaan dhanka amaanka.

Hawlgalkan waxaa ka qayb qaatay dhamaan xarumaha ciidanka Dab-demiska
caasimada.  Ciidanka ayaa dhawr oo hore damiyay dab noocan oo kale ah oo ka dhacay suuqaas, ugu dambayna hawlgalkaas ayaa ku soo dhamaaday guul waxaana  ciidanku dabkaas ka xakameeyeen bacadlaha intiisa kale

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker