Allah Haw Naxariisto Maxamuud Aw-Muuse Caateeye Oo Ku Geeriyooday Magaalada Hargeysa
Allah ha u naxariistee waxaa saaka abaaro 4 subaxnimo ku geeriyooday magaalada Hargeysa Marxuum Maxamuud Aw-Muuse Caateeye oo siweyn loo yaqaan gayiga Somaliland iyo guud ahaan dhulka Somalida, Marxuumka ayaa mudo sanad iyo dheeraad ahba xanuun u jiifay Isbitaal ku yaal magaalada Hargeysa .
Bahda Oodweynenews gaar ahaan Reer Jaamac Kaahin ayaa tacsi tiiraanyo badan u diraya dhamaan qoyska iyo qaraabadii uu ka baxay Marxuumka, rabbi janadiisi haka waraabiyo aamiin. Aamiin.