Webiga Niilka Q1aad: W/Q: Cabdirisaaq Darwiish

Webiga Niil dhererkiisu waa 6695km kaas oo dhexmara wadamo badan oo dhaqan ahaan kala duwan kuwaas oo ku yaalla Badhtamaha, bariga iyo Waqooyiga Qaarada africa ka hor inta aanu ku dhamaan bada midhitareeniyaanka.(mediterranean sea).

Webigan wuxu u qaybsamaa laba qaybood oo kala ah Niilka cad iyo Niilka buluuga ah kuwaas oo ka yimaada Afrikada dhexe iyo Buuraha dhaadheer ee ethiopia.
Niilka cad ayaa xoogaa ka balaadhan xaga qulqulka biyaha waxaanu saammeeyaa Siddeed Waddan oo kamid 10-ka wadan ee biyaha webigu ay maraan.

Niilka buluuga ahi wuxu kasoo unkamaa Buuraha dhaadheer Ee Ethiopia waxaanu ku qulqulaa Awood ilaa uu ku xidhmo Niilka cad kuna kulmaan dalka suudaan.

Webiga Niil magaciisu wuxu ka soo jeedaa kelmada giriig ah ee (Nelios)oo macneheedu yahay Dooxada webiga (River valley).
Webigani wuxu maraa  10 waddan oo badhtamaha, Barriga iyo Afrikada Waqooyi  ah kuwaas oo kala ah: Burundi, DRC, Rwanda, Tansaniya, Kenya, Uganda, Ethiopia, Eritrea, Sudan iyo Masar( Egypt).

Webigan wuxu maraa dhul lagu cabirey 2.9 million km2 Taas oo u dhiganta 10% Dhulka Qaarada Africa.

Webiga Niil waa webiga ugu dheer Dunida aynu ku noolnahay, Niilka buluuga ahi wuxu guntiisu kasoo baxaa Harrada Taana ee Dalka Ethiopia sidoo kale Niilka cadi wuxu kasoo baxaa Harada Victoriya ee Uganda.

Webiga niilka la’aantii Dadka reer masar iyo dadka dawlada suudaan Ma jirri karaan xataa maalin keliya xataa hadii ay helaan Niilka hoose.

Fatahaadaha webiga niil waa yaryihiin celcelis ahaan marka qiimayn lagu sameeyo.

Masaaridu waa dadka ugu dambeeya Ee hela biyaha webiga niil, waa ay u dabaal degaan Imaansha qulqulka biyaha iyo fataahada biyaha madow ee uu siddo webigu kuwaas oo ka yimaada buuraha sare Ee Ethiopia, Waxaanay dadka reer masar ay u tahay calaamad Rajo gelisa iyo barwaaqo Aduun.

Markasta oo qulqulka biyuhu soo dib dhaco waxa uu sababaa macaluul iyo xaalado daran oo bulsho iyo mid dhaqaale oo soo wajaha dadka reer masar.

 

W/Q: Cabdirisaaq Darwiish

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker