Soomaali ku Xayirnaa Wadanka Iran Oo la Keenay Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku guuleysatay in ay dalka dib loogu soo celiyo Muwaadiniin Soomaaliyeed oo muddo ku xayirnaa Dalka Iiraan, kuwaasi oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.

Muwaadiniintaan Soomaaliyeed ayaa badankood waxaa ay muddo ku dhow laba Sano ku xirnaayeen Xabsiyo ku yaalla dalka Iiraan, hayeeshee markii lagu guuleystay siideyntooda ay u xayirnaayeen sababo la xiriira xayiraada la saaray duulimaadyada Caalamiga ah.

 

Dib u soo celinta Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xayirnaa dalka Iiraan ayaa Dowladda Soomaaliya waxaa ay u xil saaratay Ambasador Owliyo,waxaana Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

 

Qaar kamid ah Soomaalida laga keenay dalka Iiraan oo Warbaahinta kula hadlay Garoonak diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada muqdisho ayaa waxaa ay sheegeen in ay iska kaashadeen dib u soo celintooda DFS iyo Hay’adda IOM.

 

Waxaa ay u mahad celiyeen dowladda Soomaaliya iyo cid kasta oo gacan ka geysatay in dalkooda dib loogu soo celiyo, iyaga oo sheegay inay weli jiraan Soomaali kale oo ku xiran Xabsiyo ku yaalla dalka Iiraan una baahan in la soodaayo.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay waxaa dalka ugu soo celisay muwaadiniin farabadan, kuwaas oo ku xirnaa Xabsiyo ku yaalla qaar kamid ah wadamada Caalamka,sida Itoobiya, Iiraan, Hindiya iyo dalal kale.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker