Muhiimada Taariikhda

 

Ciid Mubaarik dhamaantiin!
Idam Alle, Sannadka sannadkiisa farxad iyo caafimaad ku gaadha dhamaantiin.
Taariikhdu waa waxa ummadaha aduunka is dhaafiyay, waa waxa ay reer galbeedku ku guulaysteen ee ay maskaxda aduunyada ku hantiyeen, waa waxa caruurta isku ayniga ah is dhaafiyay, waa waxa taariikhdiinii, iyo tii xadaaradii islaamka masaxay ee caruurteenu Michelangelo iyo John Adams u yaqaanaan balse ayna aqoon u lahayn taariikhdoodii,  taariikhdii islaamka sida,casrigii RASUULKA (SCW) (1-11H) (622-632CD), tii   KHULAFADA (11-40H) (632-661CD) iyo geeridii Rasuulka (SCW) ka dib, tii UMAWIYIINTA (41-132H) (661-750CD)  iyo tii CABBAASIYIINTA (132-656H) (750-1258CD), tii MAMAALIIKTA (648-922H) (1250-1517CD), iyo tii CUSMAANIYIINTA (1517-1924CD) toona.
Teenana haddalkeedaba daa, haddana reer hebel iyo qabyaalad lagu shaqaysto ay u yaqaanaan.
Koroonaa aduunkii helay oo sannadkan markay in aan waddankeenii imaado ii suurtoobi weyday bal taariikhdaadii iyo halkaad ka bilowday Sweden uun caruurta iyo reerka soo tus baan is idhi, baabuur baan kaxaystay oo meel kasta oo taariikh igu leh waddankan Sweden waan geeyay, halkii maalintaan imid aan iska dhiibay, halkaan iskuulkii ugu horeeyay ka bilaabay,halkaan shaqadii ugu horeyasay ka bilaabay iyo halkaan hooyadood ku bartayba waan soo tusay.
Kolba taariikh iyo meel la qurxiyay oo dalxiis loogu talo galay oo iswiidhishu samaysteen ayaa iga soo dhex gala oo iyana bal soo eeg aan is idhaa.
Dal tabyaa i dishee kolba taloow aniguna waddankayga , maxaynu taariikhdiisii u qori weynay ayaa i  igu soo dhacda oon is idhaa.
Dib ayaan haddana iskugu noqdaa oo horta ummadan imisaa aabahood taqaan oo si dhab ah u taqaan, oo uga sheekayn karta taariikhdoodii, awoowgood iska daaye,ayaan isdhaa, iyo wax yar iyo hadaa waa maxay taariikhda aad raadinaysaa ayay  naftu i tidhaa.
Ummad marka uu  aabahood soo socdo caruurta lagu yidhaa, Aabo ayaa soo socdee guriga gala oo aamusa, iyo Aabo ayaa hurdee shanqada ka yareeya ee iyaga iyo aabahood la ka ilaaliyo, sidey isku baran karaan oo taariikh ugala hadhi karaan  ayay naftu igu tidhaa..
Ilaahay baan kugu dhaarshee inteed aabaaha taariikhdiisa oo run ah ka haysaa, wey yar tahay walaahi. Taariikhna jiri mayso caruurta oo waalidkood u sheekaayan mooyaane.

Berigii caddaanku madowga cabiidsanayay, wixii koowaad ee uu jaray waxay ahayd  taariikhdooda oo magacooda ka ayuu ka bilaabay oo John iyo Edwerd ayuu u bixiyay intuu kii aabahood ka bedalay , taariikhdii aabihiina u diiday xasuustiisa.

Stockholm oo aad  1989 degtid is lahaa( Malmö ayaan degay) ayaan geeyay fasaxan geeyay caruurta iyo reerka  si aan u soo tuso meeshaan is lahaa waagaa aad degtid, anigoo tus tusidii magaalada ku jira ayaanan soo hor maray ninkan iminka boqorka ka ah Sweden oo malaha awoowgiisii  shanaad uu taalo qurux baddan oo dadku ku xasuustaan uga sameeyay faras magaalaha Stockholm, qasrisgiisa hortiisa, ( isagu waa gaal ee sanam ayuu u samaystay).
Markiiba waxa i soo hor maray sidii aniga oo taariikhdii awoowgay raadinaya aan 2016kii Hargeisa uga tagay ilaa Jiidaali si qabrigii awoowgay aanu  u soo salaano.

Ninkan Swedishka ahi haddaba taariikhdii awoowgii  oo dhan oo waliba tafatiran oo uu waliba macaaneeyay oo uu ku qoray ( Nin dhaqanka jecel buu ahaayoo intaasoo masxar ayuu Sweden ka sameeyay….iyo qaar kaloo baddan ayuu ku xardhay) iyo taariikho baddan oo kale oo wadda maalin heblaayo leh oo uu yidhi  awoowgay ayaan kala hadhay ayuu ku xardhay taalada awoowgii .

Anigana waddaadayda(reerka) oo waaggaa aan Jiidaali awoowo ugu tagay, ila socotay waxa laga reebay oo ay  igu tidhi ( markay wadadii rafka ahayd uu wadnuhu afka yimid)
” Maxamed walaaal, awoowgaa meel banaan oo tan dhaanta muu waayay, muxuu rafkan ka soo doonay” …

Sow taariikhdeena innagu ma aynaan weynay weynin  ayuun baan uga jeedaa qoraalkan, iyo in aan ogaataan in caruur eber ahi inaga dambayn doondo.

Waar hooy taariikhdu waa waxa rag is dhaafiyee ubadkeena aynu taariikhada barno. Waar hooy.
Ciid Mubaarik dhamaantiin

Maxamed Yusuf

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker