Mareykanka Trump Oo Ku Dhawaaqay inuu Mareykanka Ka Mamnuucayo TikTok

Madaxaweyne Donald Trump ayaa ku dhawaaqay inuu Mareykanka ka mamnuucayo app-ka TikTok oo muuqaalada lagu baahiyo. Waxa uu weriyaasha u sheegay inuu saxeexayo amar sare oo khadka looga saarayo barta.

Saraakiisha amniga Mareykanka ayaa ka cabsiqaba in App-kan oo ay leedahay shirkadda Shiinaha laga leeyahay ee ByteDance, loo isticmmaali karo in lagu uruuriyo macluumaadka gaarka ah ee dadka reer Mareykan.

TikTok ayaa gaashaanka u daruurtay eedeymaha ah in dowladda Shiinaha ay maamusho amaba ay la wadaagto maaculmaad la xidhiidha dadka Mareykanka.

App-kan oo uu isticmaalkiisu xawaare ku socdo ayaa waxaa isticmaala 80 malyan oo reer Mareykan, waxayna mamnuucidda TikTok saameyn weyn ku yeelan doontaa shirkadda ByteDance.

Hase yeeshee weli macadda xilliga iyo sida loo dhaqan gelinayo mamnuucidda TikTok iyo caqabadaha sharciyan soo wajihi karo maamulka Trump.

Waxaa jiray warar sheegayay in shirkadda Microsoft ay dooneysay iney TikTok ka iibsato shirkadda ByteDance, balse Mr Trump ayaa u muuqda inuu shaki gelinaya in heshiis noocaasi ah uu dhaco.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker