Dad cabay dawada gacmaha lagu nadiifiyo oo geeriyooday

Inta la xaqiijiyay 10 qof ayaa ku geeriyootay kadib markii ay cabeen walxo ka sameysan dawada jeermiska disha ee loo isticmaalo gacmaha, islamarkaana bilihii ugu dambeeyay si weyn u soo caan baxday markii Corona virus uu dilaacay.

Dhacdadaan ayaa ka dhacday gobolka Andhra Pradesh ee dalka Hindiya kadib markii la xiray dukaamadii tuulo lagu iibinayay khamriga .

Degaanka Kurichedu ayaa xayiraad la galiyay kadib markii laga helay kiisas badan oo la xiriira fayraska karona .

Taliyaha booliska deegaanka arrintu ka dhacday oo lagu magacaabo Siddharth Kaushal ayaa sheegay in dadka dhintay ay dawada jeermis dilaha ah ee lagu nadiifiyo gacmaha ku dareen biyo iyo cabitaano fudud.

Waxyaabaha dadku cabeen oo ka samaysn dhowr nooc oo ah waxyaabo la isku daray ayaa dadku bilaabeen in ay cabaan toban maalmood ka hor.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker