Covid_19 Oo Dalal Badan Ku Soo Laba-kacleeyay

Dalalka dunida qaarkood ayaa ku soo laba-kacleeyay Fayraska dhaliya Xanuunka Covid_19, waxaana la diwaangeliyey Tirada kumanaan qof oo uu ku dhacay.

Laba-kaclaynta Coronavirus ayaa timid, ka dib markii dalalka uu hadda dib uga bilaabmay ay qaadeen Xayiraadihii lagaga hor-tagayey, qaarkoodna ay khafiifiyeen.

Dalka Vietnam oo ku yaalla Qaaradda Aasiya ayaa laga diwaangeliyey Dad cusub oo uu Xanuunku dilay, xilli uu Dalku dagaal kula jiro soo laba-kaclaynta Coronavirus, dhimashada Dadka cusub ayaa ka dhacday Magaalada Danang.

Spain, maalintii labaad waxa laga diwaangeliyey 1000 Qof oo uu ku dhacay Xanuunka Covid_19, taasi oo noqonaysa tiradii labaad ee ugu badan, tan iyo markii Dawladda Spain qaadday Xayiraadihii Covid_19.

Dawladda Qaramada Midoobay aqoonsan tahay ee Liibiya ee fadhigeedu yahay Tripoli ayaa ku dhawaaqday inay Xayiraad buuxda ku soo rogayso deegaanada ay xukunto ee Liibiya, ka dib markii uu kor u kacay Coronavirus.

Dunida oo dhan 17.2 Million Ruux ayuu ku dhacay Xanuunka Covid_19, in ka badan 10 Million ayaa ka soo kabtay Xanuunka, waxaana u geeriyooday dunida dhan Dad gaadhaya 673,000, sida la soo xigtay Johns Hopkins University.

War-bixinnadii u dambeeyay ee Jimcaha Maanta la soo weriyeyna waxa ka mid ah, Dalka Namibia oo markii labaad dugsiyada Waxbarashada xidhaysa muddo 4 bilood gudahood ah, xilli la xadiday isku imaanshiyaha Dadweynaha, ka dib markii la helay dad tiradoodu u dhaxayso 100 illaa 250 Qof oo xanuunku haleelay, sida uu jimcaha Maanta sheegay Madaxweynaha dalkaasi Hage Geingob.

Madaxweyne Hage Geingob oo hadal ka jeediyey Telefiishanka ayaa sheegay in dugsiyada la xidhayo laga bilaabo 4-ta bisha August, 2020, Xayiraaddaasina soconayso illaa 28 maalmood.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker