SALDHIGA MILITARY EE BERBERA MASAR HORE AYEY SAMAYSATAY IMIKA LA ISWEYDIIN MAAYO KAA, ISTIMAALKII BAA LAGA WADA HADLAY.

Badi siyaasadda  shacabada lagu ķhaweysiiyo  iyo arimaha dhabta ah ee xukuumadaha iyo Maamuladu faraha kula jiraan aad bay u kala fog yihiin, wadamada qaarkood oo SOMALILAND ka mid tahay shacabka waxba la iskaga tiriyo  waayo  ka falcelin arimaha socda malaha iyo fahankooda markaa  garaad siyaasadeed oo ay Xukuumadda ku hor istaagayaan malaha waana  iska qabaail qaybqaybsan si macno dariya wadankana waaba lagu dul iibin karaa xaalkeenana  Farah Nuur baa hore u sii sheegay oo yidhi

WAA DUNI AKHYAARTII LAHAYD IIB KU DOONTAHAY

WAA DUNI LAKALA IIBSADOON NALA OGAYSIINE.
WAA DUNI HABLIHII LAGU OGAA AQALKII DIIDEEN
WAA DUNI KUWII LOO IGMADAY AQALO SIISTEENE
WAA DUNI ODOYO IYO GUURTI GAALO U ADEEGTO
WAA DUNI UMADO KALE SHEEGTA OOD AABOOD GARANE
OO HADANA ARXANKII KA TEGAY OON KUBA AGJOOGAYNE
WAA DUNI IBLAYS DOOLAR U LUXAY AAKHIRANA SEEGAY.
Siyaasadda SOMALILAND ee khaarajiga waxaa lumiyey oo iibsaday Kulmiyihii hore Markuu  Kooxda Yemen la dagaalamaya uu Saldhigga iyo Dekedda uu siiyey isagoo  Ethiopia meesha ka saaray oo Cadawgeedii Masar la saftay Saldhigga Military  ee Berbera laga Sameeyey Masar iyo Sucuudiguba waxbay ku lahaayeen imika la isa siinmaayo ee wejigii labaad ee Isticmaalkiisa ayey Masar kala Xaajoonaysay XUKUUMADDA Muse Biixi oo isagu  wixii lacag iyo Hubba lagu siinayo samaynaya mar kasta, waana labada shay ee Muse Biixi  rumaysan yey noloshiisaba. MASAR BERI BAY SOMALIDA OO DHAN MUHIIM U AHAAN JIRTAY LAAKIIN IMIKA WAQTIGAASI WAA DHAMMAADAY WAX MUHIIMA OO SOMALILAND UGU JIRA MASAR MA JIRO LAAKIIN ETHIOPIA WAA LAF DHABARTA SOMALILAND XUKUUMADDA SOMALILAND EE MAANTA JIRTAANA TAA MA FAHANSANA EE LACAG UUN BAY DAYDAYEYSAA ETHIOPIA ARINKAA SI TALAABO TALAABO AH BAY ULA SOCOTAA.
SOMALILAND horuunarkeedu wuxuu ku xidhanyey inay hesho Electric power Warshadaa iyo beeruhu isticmaalaan waana ka ugu dhaw Hydro-electric power ka Ethiopia samaysay oo inagu soo gaadhidoona si FUDUD FUDUD laakiin Masar  Electric power ma siin kartaa SOMALILAND WAA MAYA.
ETHIOPIA WEY KA HADASHAY TODOBAADKII HORE IYADOO SI TOOSA UGU HANJABTAY SOMALILAND OO TIDHI U DULQAADAN MAYNO IN MANDAQADAYA DAGAAL LAGA DHIGO SIDA YEMEN IYO LIBYA.
Ethiopia Military base bay ku dhawaaqday inay Amizon  uga  samaynayso Jigjiga laakiin waxay samaynaysaa CIIDAMADA ka hortegi doona Isbahaysiga Masar iyo saaxiibadeed hadduu bilawdo dagaalka la isku haysto biyaha Webiga Niil.  Inaga waxaa baddaa ina geliyey labadii Xukuumadood ee Kulmiye ee lacag daydayga noqday oo ilaa maanta kala garan la Carabta Masar,sucuudiga iyo Immaaraadku hogaamiyo iyo Ethiopia keebaa danta SOMALILAND ku xidhantay si toosa oon maalin qudha la kala maarmi karin. Dr. ABI AHMED WUU  LA YAABBANYEY XUKUUMADDA MUSE BIIXI OO DAB KU CIYAARAYSA SIDII CARRUUR BIYO BATALAQSANAYSA.
SOMALILAND shacab isku wadaniyad qalbigooda ku jiraa maanta kuma noola shan Shay baa SOMALILAND nimaddii Mar lagu today qalbigii ummadda ka saaray.
1- was Sidii loo galay Dooradii 2017kii ee Siilaanyo u boobay Muse Biixi Musharaxnimadii Kulmiye, Gudoomiye nimadii Kulmiye iyo bookii Wadani lagaga Shubtay Dooraahada ee Dabo-iyo-Kursi-aan-islahayn la isa saaray.
2- waa Dagaalkii Ceelafweyne Xukuumaddii Siilaanyo ka waday ee dadka badani ku dhintay weliba sii qiiqaya.
3 – waa shacabka la qaybqaybiyey ee Maanta kala qoqoban een waxba kala iibsan.
4- waa Xukuumadda biyo-dhacday ee QOYS qudha lagu Cabbeeyey Institutions kii ummadda u addeegi lahaa oo Malfunctions ku dhacay maanta.
5- waa Siyaasadda Debedda  ee cidla sabaynaysa ee qaladbacadeed baa dhacay dadka war uga dhigaysa wixii ay dawladaa ku wada hadleen oo aan run laga sheegaynin.
M BASHE
qoranebashe@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker