Magaalada Laascaanood Oo Si Balaadhan Looga Dabaal Degey Ciidal Adxa

Waxa dadweynaha magaalada Laascaanood kala qaybgalay tukashada salaada ciida maamulka gobolka Sool, ka degmada Lascaanood iyo masuuliyiin kala duwan, ugu horeyn waxa markii salaada la tukaday dadweynaha gobolkaas hambalyo u diray guddoomiyaha gobolka Sool Cabdiqani Maxamuud Jiidhe, isaga oo bulshada ku dhaqana gobolka Sool illaahay uga baryey in ay ciidan ciideeda ku gaadhaan nabadqab iyo horumar, wuxuuna sheegay in deegaannada Ceegaag iyo Horu-fadhi oo ay ka dhaceen shaqaaqooyin ay nabadayntoodu meel fiican marayso, isaga oo xusay in xukuumaddu doorkii ay ku lahayd ka qaadatay, wuxuuna madax-dhaqameedka gobolka u soo jeediyey in ay doorkooda ka qataan sidii loo soo afjari lahaa colaadaha deegaannadaas ka jira.

Waxa kale, oo isna halkaas ka hadlay maayarka degmada Laascaanood Cabdicasiis Xuseen Taarwale, oo hambalyeeyey dadweynaha ku dhaqan gobolkaas, isaga oo bulshada u gobolkaas u soo jeediyey in ay iscafiyaan maalamaha kheyrka badan ee ciidal Adxa.

Dadweynaha magaalada Laascaanood ayaa hambalyo isu dirayey iyaga oo ku dhawaaqayey kalmado ay ka mid ahaayeen ciid mubaarak kulu caam wa antum bilkheyr iyo kuwo la mid ah, halkan hoose ka daawo

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker