Munaasibada Ciidal Adxa Oo Si Weyn Looga Ciiday BOORAMA

Wasiirka wasaaradda ganacsiga, wershadaha iyo dalxiiska oo ay weheliyaan maamulka gobolka Awdal iyo ka degmada Boora ayaa dadweynaha magaaladaas kala qaybgalay oogida salaada ciidal Adax.

Markii salaada la tukada waxa dadweynha la hadlay wasiirka wasaaradda ganacsiga, wershadaha iyo dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) oo bulshada muslimiinat, shacabka Somliland iyo dadweynaha gobolka Awdal ku hambalyeeyey munaasibada ciidal Adxa, wuxuuna bulshada Somaliland uga duceeyey xannuunka safmarka ah ee Coronavirus ee dunida faraha ba’an ku hay.

Waxa kale, oo halkaas ka hadlay guddoomiyaha gobolka Awdal Maxamed Axmed Caalin (Tiimbaro) oo bulshada gobolka Awada ka codsaday in ay gacan ku siiyaan ciidamada iyo laamaha dawladda ee ku shaqada leh la dagaalanka mukhaadaraadka oo uu tilmaamay in uu si xad-dhaaf ah dalka u soo galayo isla markaana uu dhibaato weyn ku hayo bulshada.

Sidoo kale waxa halkaas ka hadlay maayarka degmada Boorama Saleebaan Xasan Xaddi, oo hambalyo iyo bogaadin u diray shacabka Somaliland iyo dadweynaha ku dhaqan gobolka Awdal munaasibada ciidal Adxa awgeed, isaga oo u rajeeyey in ay sannadkan kiisa kale ku gaadhaan nabadqab iyo horumar.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker