Magaalada Berbera Ee Xarunta Gobolka Saaxil Oo Laga Tukaday Salaada Ciida

Maamulka gobolka Saaxil iyo ka degmada Berbera ayaa kumaan dadweynaha ku dhaqan gobolkaas kala qaybgalay tukashada salaada ciidal Adxa oo lagu tukaday garoonka kubbada cagta ee Bursade ee ku yaala magaaladaas.

Markii salaada la tukaday waxa halkaas hadal ka jeediyey isuduwaha wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee gobolka Saaxil Maxamed Axmed, oo dadkii goobtaas ku tukanayey u jeediyey khudbad ku saabsan ciida, isaga oo sheegay in ay tahay maalin k weyn muslimiinta, wuxuuna u soo jeediyey in ay u duceeyaan dadkii walaalahood ahaa ee dhintay isla markaana iska kaashadaan sidii loo dhamayn lahaa meelaha ay khilaafyo ka jiraan ee gobolkass ka tirsan.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker