Hal-Abuur Qoraa Xamse Riiraash Oo Munaasibda Ciidda Hanbaliyo U Diraya Somaliland Iyo Muslimkaba.

Sida aan ognahay waxa aynu ku jirnay tobbankii danbe ee ugu khayrka badnayd bisha dilxija,tobbankaasi oo lagu xusay suurada eebbe ee al-fajri .
Bisha tan gaar ahaan tobbankeeda danbeayaa ah bil  cibaado laguna guto waajib ka mida ah waajibaadka arkaanka  islaamka shanta ah,taasi oo ah guddashada acmasha xajka.
Ciiddan oo lagu magaacabo odxiya ayaa ah ciid aad loo qasho,amaba loo gawraco adhi, geel, iyo wax kastoo ka mida nicmoolayda, taasi oo afka carbeed loogu yeedho bahiimada ancaam.
Tan oo qisadeeduna aad qoto dheertahay kana soo bilaamayso dhisadii kacbada, iyo qisadii imtixaanka ahayd ee dhex maraysay wiil iyo aabihii waa nabi ibrahamkii ku noolaan jiray ardul baabilkii iyo wiilkiisii ismaciil.
Kadib markii uu nabiyulaah ibraahim arkay riyo;,taas oo ahayd aragtidii sheeko uulla yaabay  oo faraysay in uu gawraco  wiilkiisa ismaacil!!!! goortii uu u sheegay ibraham  ismaaciil,,,,nabiyulaah ismaaciilna kumuu soo cellinin  jawaab u muuqatay  diidmo toona wuxuuse ku qanciyay ismacil ibrahiim in wax kastoo nabi ibrahim eebbe faray u ilaah xikmad ka leeeyahay una diyaar yahay in uu u  hoggaamsamo.
Isla jeerkiiba alla ku furanayaa ismaciil wan weyn halkaasna waa halkay ka timi odxiya iyo ciiddabn dar alle loo gawracaayo xoolaha.
Haddaba ummadda islaamka gaar ahaan dalkaygayga reer somaliland iyo walaalaheena jaarkeena ee soomaaliyana farxadbaan u wada rajeynayaa.
Somalilandtaydana alla ha u siyaadiyo nicmada nabada khayrka iyo xasiloonada qaadir weyne uu ku manatstay.
Hamse Riiraash
hamseriraash@hotmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker