Gobolka Ku Yaala Dalka Ruushka Oo Cabasho Ka Muujiyay 80 Neef Oo Geel Ah

Dadka ku nool gobolka Astrakhan ee dalka Ruushka ayaa cabasho ka muujiyay 80 neef oo geel ah oo daaqayo halkaas.

Geelan oo uu leeyahay nin 83 jir ah oo la yiraahdo Yuri Serebryakov ayaa jahwareer ku reebay dadka ku nool ilaa saddex tuulo o ku yaalla gobolkan.

Waxay sheegeen in cabsi uu u horseeday geelan isla markaana ay uga baqayaan carruurtooda, sida uu wakaaladda wararka ee TASS u sheegay madaxa degmada.

Dadkan ayaa waxay dacwad ka gudbiyeen ninkii lahaa geela.

Xafiiska dacwad oogaha gobolka Astrakhan ayaa xaqiijiyay in dacwadda ay soo gudbiyeen dadkaas ay soo gaartay balse loo baahan yahay caddeymo ka hor inta aan tallaabo la qaadin.

Shacabka waxay ku eedeeyeen geela daaqayo halkaas in uu waxyeello soo gaarsiiyay deerta guryahooda iyo sidoo kale in uu burburiyay dhuumaha biyaha iyo gaaska qaada ee mara dhulkaas.

Ninka iska leh geelan ayaa ku anddacooday kaddib muddo 25 sanno ah uu dhaqanayay geela uusan haatan raaci karin maadama uu noqday qof da’ ah, sidaas darteedna uu doorbiday in uu faraha ka qaado.

Waxaa uu sheegay in uusan qaadi karin mas’uuliyadda dhibaatada uu geystay geela maadama geela uu jecel yahay dhirta iyo geedaha ku yaalla agagaarka tuulooyinkaas.

Sarkaal ka tirsan maamulka ayaa sheegay in ninka iska leh geelan hadda ka hor lagu riday ganaax, haatana lagu riday gaanax dhan 164 doolar.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker