Somaliland War Kasoo Baxay Safar Qarsoodi Oo Mar Kale Wasiir Fartoon Tagey Iyo Wadankuu Tagey

Madaxweynaha JSL Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa Wasiirkiisa Arrimaha Dibedda Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) u diray dalka Turkiga.

 

Wasiir Faratoon oo dhawaan gaadhay Waddanka Turkiga ayaa la filayaa inuu Wada-hadallo la yeesho Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Turkiga, waxaana la filayaa inay Dawladda Turkigu ay Wasiirka kala hadasho Shirkii Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya ee ay Jabuuti marti-gelisay, kaasi oo uu Turkigu ka qaatay dareen taban oo sababay in meesha laga saaro Ergaygii Turkiga u qaabilsanaa Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya, Danjire Oglan Baker.

 

Waxa kale oo la filayaa in Dawladda Turkigu ay Wasiirka kala hadasho Warar muddooyinkii u dambeeyay ay Warbaahintu faafinaysay oo sheegayey in Masar doonayso in Saldhig Millateri laga siiyo Somaliland, iyadoo la ogyahay in Masar iyo Turkigu ay si weyn isugu maan-dhaafsan yihiin Arrimaha dalka Liibiya.

 

Socdaalkan Wasiir Faratoon ayaa ku soo beegmaya iyadoo ay muuqato in isbeddellada iyo dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee ka socda Gobolka iyo Nawaaxigiisu ay saamaysay Siyaasadda Arrimaha dibedda ee Somaliland.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker