Guddoomiye ku xigeenka Jaaliyadda Waddanka Holand ee Somaliland oo Beeniyay Warar

Guddoomiye ku Xigeenka Jaaliyadda Wadanka Holand ee Somaliland Gudoomiye Ku xigeenka jaaliyada Somaliland ee Wadanka Holand Axmed Caydiid ayaa Been aan sal iyo raad toona la hayn ku tilmaamay Warar laga Baahiyay Guddoomiyaha Jaaliyadda Somaliland Wadanka Holand Maxamuud Cabdale Digaale,taas oo ay faafiyeen Qaar ka mid ah warbaahinta.

 

Guddoomiye Guddoomiye Xigeenka Jaaliyada Somaliland Wadanka ayaa waxa uu Sheegay in Sharciga Wadanka Holand la tiigsan doonaan cidii Beenta Abuurka ka samaysay Jaaliyada Wadanka Holand ee Somaliland.

Guddoomiyu ku xigeenka jaaliyada Wadanka Holand Axmed Caydiid ayaa waxa uu ku Amaanay Guddoomiyaha Jaaliyadda Somaliland ee Wadanka Holand Maxamuud Cabdale Digaale sida uu markasta u Garab taagan yahay Jaaliyadda Holand haday tahay mid Dhaqaale iyo mid Aqooneedba.

 

Sidoo kale Guddoomiye Ku Xigeenka Jaaliyadda Holand ayaa waxa uu carabka ku adkeeyay in aanay aqbali doonin in Muwaadin Wadankiisa si Mutadawacnimo ah ugu Shaqaynaya Sharaftiisa la dhaawaco,waxaana uu usoo jeediyay Jaaliyada Somaliland ee Wadanka Holand in meel uga soo Wada jeedsadaan Shalhsiyaadka Baahinaya Beentaa aanay waxba ka jirin.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker