Buuhoodle: Shillinka Somaliland oo Noqday lacagta Keliya ee Wax lagu kala iibsado.

Muddo badaan ayay soo martay marxalado kala duwan dhanka isticmaalka lacagaha wax lagu kala iibsado magaalada Buuhoodle oo ah magaalo xuduudeed xarun u ah gobolka Buuhoodle ee Somaliland.

Waxaana xilliyada qaar xoog ku lahaa oo lagu isticmaali jiray lacagta shillin Soomaaliga ah oo kala duwan isla markaana kala ahayd lacag laga isticmaalo Xamar caasimadda Soomaaliya iyo gobolo kale oo Soomaaliya ka mid ah iyo lacag Shillin Soomaali ah oo kale oo ay soo daabacdeen maamuladii kala dambeeyay ee maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland iyo shaqsiyaad ganacsato ah oo la sheegay in ay Puntland iyo Soomaaliya lacago faalso ah ku daabacan jireen.

Waxaa kale o lagu isticmaali jiray lacagta dalka Itoobiya ee Birta  iyo dollarka.

Lacagaha kala duduwan ee shillin Soomaaliga ah ayaa muddo badan ragaadiyay ganacsiga iyo wax kala iibsiga Buuhoodle.

Taasina waxay sababtay in dad badan oo ganasiyo kala duwan ku lahaa magaalada Buuhoodle in ay gacantooda ku faalsoobaan lacago badan oo shillin Soomaali ah oo siyaabo kala duwan shaqsiyaad iyo maamulo kala duwani usoo daabacdeen.

Taasina waxay sababtay in dadka ganacsatada ahi inay xoog u dareemaan hoos u dhac dhaqaale oo soo food saaray iyo lacagaha faalsada ah ee lagu qaatay hantidooda,muddo badan ayaanay ku jireen arrintaa qasaare u joogga ah ee shillin Soomaaliga la iska daba keenay ay wax ku iibinayeen.

Balse imika arrintaa qasaare u joogga ahayd ee ay wax ku iibinayeen xalkeedii way heleen waxaana hadda magaalada Buuhoodle wax lagu kala iibsadaa oo lacagta koobaad ka ah lacagta Shillinka Somaliland oo si sharci ah uga shaqaysa ka dib markii ay noqotay lacagta keliya ee lagu kalsoonaan karo ee dadku ay wax ku iibin karaan.

Mid ka mid ah ganacsatada Buuhoodle oo ka hadlayay dhibaatada dhaqaale ee ka soo gaadhay isticmaalka shillin Soomaaliga iyo siday hadda u garwaaqsadeen in ay Shillinka Somaliland wax ku iibiyaan,ayaa yidhi. “lacagtii Shillin Soomaaligu waxay noqotay wax cid waliba ay iska soo daabacato oo inta hantidaadii lagu iibsado aan kaa soconayn cidina aanay kaa qaadanayn markaa waxaanu muddo badan ahayn dad hantidooda qashin lagaga iibsado magac lacageed sidata,laakin imika dhibaatadaa waanu ka baxnay oo waxa magaalada wax lagu kala iibsadaa lacagta Shillinka Somaliland,waana lacag baan dhexe leh oo aanay ku jirin wax falso ah ama cid si gaar ah u soo  daabacataa,midda kale ciidanka qaranka iyo shaqaalaha kale ee gobolka ayaa mushaharkooda ku qaata oo waa lacag sharciyan sax ah oon kalsooni ku qabno in ay tahay lacag sharci ah oo aan nalagu diidayn.” Ayuu yidhi Ganacsade Jaamac Cali Saalax.

Waxaanu intaa raaciyay isagoo hadalkiisa sii wata.”anigu siyaasad kama hadlayo oo ganacsade ayaan ahay waxaanan u baahanay in lacagta aan wax ku iibiyo in anna ay iga socoto oo wax an ku soo iibsan karo,laakiin lacag midba mel gaar ah lagu soo daabacday oon dal iyo dawlad iyo baan dhexe oo kaaga masuul ahi aanu jirin waxaanu go,aan sannay in aanaan waxba ku iibin.”

Waxaa kale oo uu sheegay in marka ay u baahdaan in lagac badan oo Somaliland ah in ay lacag adag u bedeshaan in ay u furan yihiin suuqyada dhammaan Somaliland iyasoo intaa raaciyay in Caynaba iyo Laascaanood ba Baanka dhexe ee Somaliland ay wada shaqayn leeyihiin.

Tallaabada Buuhoodle lacagteeda koobaad ay u noqotay lacagta shillinka Somaliland ayaa ah tallaabo uu qaday baanka dhexe ee Somaliland oo ah guul qaran oo uu baanka dhexe ku tallaabsaday.

Waxaanay tallaabadaasi soo korodhay muddadii uu talada dalka hayay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi isla markaana uu baanka dhexe hoggaaminayay Cali Ibraahin Jaamac(Baqdaadi).

 

Qore: Faysal Xiis Afgaab

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker