Golaha Wakiillada Somaliland Xal ma ka Gaadhi Doonaan Kootada Haweenka iyo Beelaha La Haybsooco

Hargeysa (OWN) – Waxa Shalay si rasmiya Magaalada Hargeysa uga furmay Kalfadhiga 43aad ee Golaha Wakiillada Somaliland, ka dib muddo dhowr bilood ah oo Xildhibaannada Goluhu ku maqnaayeen Fasax iyo Xayiraadihii uu sababay Xanuunka Covid_19.

 

 

Fadhiga Shalay oo uu Shir-gudoominayey Guddoomiyaha Golahaasi Md. Baashe Maxamed Faarax ayaa waxa Mudaneyaasha loogu qaybiyey Ajandaha kalfadhiga 43-aad, kaasi oo ka kooban 12 Qodob,

kuwaasi oo ugu muhiimsan yihiin Xeerka guud ee doorashooyinka, wax ka beddel lagu samaynayo Xeerka Hab-maamuuska Madaxweynaha iyo Baarlamaanka iyo weliba wax ka beddel lagu samaynayo Xeerka Nidaamka Ururrada iyo Asxaabta Qaranka.

 

 

Kalfadhigan ayaa Qodobbada ku cusub ee ka midka ah xaaladaha taagan waxa ka mid ah Xeerka guud ee doorashooyinka.

Ajandaha Kal-fadhiga Golaha Wakiillada ayaa ku jira Xeerka guud doorashooyinka, kaasi oo ah Xeerka Haweenka ama Beelaha la hayb-soocaa doonayaan in la waafajiyo Kuraasta Kootada ah ee ay doonayaan in loogu daro Golaha Wakiillada.

 

 

Xeerkan oo ay hawshiisa gacanta ku hayaan Guddiga arrimaha gudaha iyo Nabadgalyada ee Golaha Wakiillada ayaa maraya akhriskiisa koowaad, waxaana Mudaneyaasha loo qaybin doonaan Maalin ka dib marka Axadda Maanta la ansixiyo Ajandaha Kal-fadhiga 43-aad ee Golaha Wakiillada ee Shalay la qaybiyey.

 

 

Xeerka ayaa marka la qaybiyo ka dib, waxa Mudaneyaashu gudo-geli doonaan Dooddiisa, si markaa loo ansixiyo Kootada ama loo diido.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker