Socdaalkii Baakistaan: Saamaynta Dunidu Ku Yeelatay iyo Iibka Xubnaha Jidhka (Kelyaha)

1995kii annaga oo dugsiga Cabdi Xaashi Guuleed ee Kaam Abokor, degmada Darroor, DDSI dhiganna oo fasax ah Khamiista iyo Jimcaha ayaa la yidhi “Fasaxa Itoobiya waa Axadda”. Waxa ay noqotay in iskuulka la fasaxo Jimcaha iyo Axadda. Mar haddii Axaddii iskuulku fasax noqday, waxa nalagu amray in aanu malacaamadda nimaadno labada gelin ee Axadda.
Haddii aanu awal fasax ahayn afar gelin oo Khamiis iyo Jimce ah, waxa naga go’ay gelinkaa Axadda ee malcaamadda na looga yeedhay. Fasaxaas Axadda iyo waxbarasho Jimcaha ah ayaan Baakistaan ku arkay.
Waxyaabaha qaarkood oo aan weli ka hirgelin geyiga Soomaalida gaar ahaan Somaliland iyo Soomaaliya ayaa ka hirgalay Baakistaan, waxa ka mid ah in maalmaha waxbarashada iyo shaqada ay ku jirto maalinta Jimcuhu, halka fasax laga yahay Axadda.
“Waxa aanu xidhiidh la leennahay adduun-weyne fasax ah Axadda oo shaqeeya Jimcaha, sidaas awgeed ayanu ula jaanqaadaynnaa” ayaa ka mid ahaa doodaha lagu difaaco. Maalmaha kale ee fasaxooda ka mid ah dharaarta ay dhasheen ama dhinteen dad ay ka mid yihiin Maxamed Cali Jinaax iyo Allaama Iqbaal oo ah gabayaa weyn oo xurmo iyo xaqdhawr u hayaan.
Hab-dhaqannada kale ee ay la wadaagaan dalal kale oo muslin waxa ka mid ah in la oggol yahay ka ganacsiga waxyaabo uu ka mid yahay maandooriyaha khamrigu. Si sharci ah ayaa loo soo dejiyaa, loo dhoofiyaa loona adeegsadaa. Waxa kale oo si gef ah looga ganacsadaa Xashiishadda iyo daroogooyin kale.
Yaab malaha haddii ay jiraan xarumo si xeerkooda dad-sameega ah loo waafajiyay ama fasaxaya furista xarumaha jidhka lagaga ganacsado. Waxa fudud in aad habeenkii laamiyada ku aragto labeeb (ninaw-naag) sharmuuto ah oo raba cid qaadata, iyaga oo gadhki muuqdo ayay afka soo casaystaan.
Waxa aan kobcin heerkooda guud ee fulinta waajibaadka diiniga ah, tusaale ahaan waxa fudud in aad aragto hablo badan oo madaxoodu qaawan yahay. Dadka qaar ayaa waajibaadka diiniga ah u xisaabiya sida hawlaha dunida oo kale, waxa ay yidhaahdaan “Haddii shanta salaadood la tukado, waa 100%. Markaas haddii aad saddex tukato, waxa aad helaysaa dhibco ah 60%, waanay ku filan yihiin in aad gudubto”.
Dhaqannada bogaadinta leh ee ay weli ku dheggan yihiin waxa ka mid ah in uu yar yahay is-dhexgalka ragga iyo dumarku. Haweenku marka ay bannaanka u baxayaan waxa raaca walaalkood ama waalidkood. Waa dhif inaad aragto hablaha oo iskood uga dukaamaysanaya ama u dhex socdaalaya faras-magaalaha. Sida aanay bad-mareennada iyo maxaabiistu il u saarin haweenka ayaa la kala yahay.
Bal ka warran nin doob ah oo gashaanti indhaha saari waayay, saw madax-xanuunka iyo xummadu ku biiri mayso! Nin Soomaali ah, wadaadna ah ayaa wax ka baran jiray jaacamacad Islaami ah oo Baakistaan ah. Muddo ayaanu dumarba la kulmin arkin. Diif ayaa ku raagtay. Aabbihii ayuu Jabuuti ugu yimi. “Aabbo laba ii guuri” buu yidhi. Wuxuu u qaatay inaanay midi baahidiisa dabooli karin. Odaygii baa yaabay.
“Bal horta mid isku day” baa la yidhi, waa loo taag waayay. Wuxuu yidhi “Maya, midi ima soo celinayso”. “Waayahay, ee tan kowaad guurso. Ta labaadna way xigi” baa la yidhi Wuxuu siiyay gabadh ay ilmaabti yihiin. Waxa gabadhii lagu yidhi “Ninkan daali”. Habeenkii arooska markii uu hawlgalay karaankii ayuu doonay inuu seexdo.
Xaaskii ayaa dhahda “kac, oo shidaalka baadh, ma dhawa”. Wuu ku celiyaa. Markii 10 jeer la kiciyay ayuu subaxii toosay isaga oo taag darreeyay. Duqsi ayaa wejiga ka fuulay, wuu iska duulin kari waayay. Wuxuu yidhi “Duqsiyow maad i deyn mise aabbahaa ayaan kuu sheegaa” kkk Sidii ayuu kaga hadhay inuu laba guursado..
Ganacsiga Kelyaha
Ma maqasheen waxa loo yaqaanno “Human Spare Parts?”. Berigii hore waxa uu qofka Baakistaaniga ahi xaq u lahaa in uu iibiyo xubnaha jidhkiisa sida kelyaha. Maadaama oo ay ku nool yihiin dad badan oo sabool ahi, kuwo badan ayaa iibiyay kelyo. Muddo kaddib ayay qoomammayn jireen xubinta ay lacagta dhaafsadeen. Bal ka warrama magaalo dhan oo kelliyi ka wada maqan tahay?. Dawladda ayaa mamnuucday in dadku jidhkooda gadaan. Haddana sidaas oo ay tahay wuu socday, waxaanu noqday mid qaali ah, maadaama oo uu yahay sharci-darro
Nin tolka ah ayaa ka yimi Ingiriiska, waxaana uu kelli ka iibsaday nin ka yimi tuule u dhaw Islamabad. Lacag ku dhaw $30,000 ayaa ku baxday. Markii hore iyada oo kelyaha loo sifeeyo oo aanu dhawr sanno suuli ku kaajin ayuu yimi. Markii dambena iskii ayuu musqusha ugu talleejiyi jiray. Cusbitaal la yidhaahdo Renal Hospital ayaa u sameeyay qalliinka.
Marka hawlgalka noocan ah la fulinayo, waxa hoos loo dhigaa awoodda difaaca ee jidhka. Waayo waxa laga yaabaa in ay unugyada difaacu u arkaan kellida cusub sidii xanuun-dhaliye weerar ah, oo ay iyaguna la dagaallamaan. Sidaas awgeed waxa uu xidhnaan jiray masar sanka lagu daboolo.
Isaga iyo xaaskiisa ayaa wada socday. Laakiin waa ay laabatay, waxaana wakhti qaatay in la helo qof ay is waafaqaan dhiig ahaan. Waxaana shardi ah in labada qof ee kellida loo kala saarayaa ay iskaga mid noqdaan ugu yaraan lix ka mid ah siddeed borotiin oo dhiigga ku jira. Intii uu cusbitaalka yaallay, waa aanu isu beddeli jirnay ilaaladiisa iyo baxnaanadiisa.
Dhankayga waxa ku hadhay saddex qormo oo kala ah…..
WQ: Siciid Maxamuud Gahayr

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker