Damaca Wadamadda Reer Bariga Iyo Xeeladaysiga Wadamadda Reer Galbeedka.

Tan Iyo Intii Somaliland La Soo Noqotay Xoriyadeedii Godka Madoow Ku Dhacday
 26 June 1960, Kuna Dhawaaqday 18 May 1991 Inay Ka Madax Banaan Tahay Wadankii Ay La Midoobeen Ee Soomaaliya.
Somaliland Waa Wadan Xuduud La Leh Itoobiya Oo Ay Wadaagaan Xuduud Caalamiya Oo Dhulka Ah, Wadanka Soomaalida Jabuuti Oo Ay Wadaagaan Laba Xuduud Oo Caalamiya Dhul Iyo Bad Ah, Wadanka Soomaaliya Oo Ay Wadaagaan Xuduud Caalamiya Oo Ka Kooban Dhul Iyo Bad.
Somaliland Waxay Xuduud Caalamiya Oo Badeed La Leedahay Qaaradda Afrika Iyo Aasiya, Gaar Ahaan Wadanka Yaman.
Somaliland Waxay U Dhoowdahay Marin Biyoodka Ama Marin Badeedka Ugu Mashquulka Badan Ee Baabul Mandab Oo Ay Maraan Maraakiibta Caalamka, Sanadkii Waxaa Lagu Qiyaasaa Maraakiibta Marta 117 Milyan , Dhaqaalaha Ka Soo Galana Aduunyadda Oo Dhan Waxay Ku Filnaan Lahayd Asaaska Bulshadda Iyo Masaariiftooda Waa Haddii Masuuliyiinta Ka Talinaysa Wadamadooda La Yimaadaan Maskax Caafimaad Qabta Oo Aragti Dheer Leh .
Damaca Wadamadda Reer Barigu Waxay Ku Taamayaan Sidii Ay Gacanta Ugu Dhigi Lahaayeen Bariga Dhexe, Qaaradda Afrika, Gaar Ahaan Wadamadda Ku Yaala Gacanka Cadmeed Waana Loolan Adag Oo Dhici
 Kara Khasaaro Iyo Faaiido Oo Dhiig Badan Ku Daato, Kuna Dagaalamaan Wadamadda Reer Galbeedka Iyo Wadamadda Reer Bariga.
Xeeladaysiga Wadamadda Reer Galbeedka Oo Qorshahoodu Yahay Dagaal Qaboow Oo Aan Keenin Dagaal Dhiig Ku Daato Inay La  Ciyaaraan Wadamadda Reer Bariga.
Wadamadda Reer Galbeedku Waxay Soo Dhigeen Shax La Yaab Leh Oo Haddii Ay Ku Guulaystaan Wadamadda Reer Bariga Lagu Jabin Karo Xeelad Farsamaysan.
Xeelada Wadamadda Reer Galbeedku Wato Waa Mataanaynta Taiwan Iyo Somaliland Oo U Noqon Lahaayeen Laba Wadan Oo Is Dhaafsada Xidhiidh Siyaasadeed, Xidhiidh Horumarineed, Xidhiidh Dhaqaale, Iyo  Xidhiidh Dhoolatuska  Labadda Ciidam Iyo Sidii Maraakiibta Dagaalka  Iyo Ganacsiga Si Nabad Ah Ku Mari Karaan Biyaha Somaliland Yagoo Ogolaansho Haysta .
Wadamadda Reer Galbeedku Waxay Wadaan Qorshe Ah Sidii Xeego Xeego U Noqon Lahayd ILkana U Nabad Geli Lahaa Inay Ku Cadaadiyaan Wadamadda Afrika Iyo Carabta Sidii Loo Aqoonsan Lahaa Somaliland, Somalilandna U Aqoonsan Lahayd Wadanka Taiwan.
Wadamadda Reer Galbeedku Markay Ku Guulaystaan Ka Shaqaynta Ay Ka Shaqeeyeen Aqoonsiga Labadda Wadan Somaliland Iyo Taiwan, Waxay Labadda Wadanba Ka Dhisanayaan Saldhigyo Milateri Oo Aad U Waawayn.
Wadamadda Reer Galbeedka Iyo Xulafadoodu Waxay Dhaqaale Xoog Leh Gelin Doonaan Asaaska Bulshadda Ee Goboladda Somaliland Yagoo Lug Ku Tegaya Deegaankasta, Degmo
Kasta Iyo Gobolkasta Oo Ay Indhahooda Ku Soo Arkayaan Xaqiiqadda Asaaska Bulshadda Ee Ka Jirta Goboladda Galbeedka Iyo Bariga Somaliland.
Wadamadda Reer Galbeedka Qorshahooda U Dambeeyaa Waxa Weeyaan Sidii Afar Dekedood Oo Caalamiya Laga Dhisi Lahaa Somaliland, Dekediiba Noqoto Ugu Badnaan
5 Km , Dekedahaas Oo Kala Ah Saylac, Berbera, Xiis, Iyo Laas Qoray, Laba Garoon Dayuuradeed Oo Caalamiya Oo Garoonkiiba Dhan Yahay Ugu Badnaan 15 Km, Garoomadaas Oo Kala Ah Ceerigaabo, Bariga Burco Gaar Ahaan Inta U Dhaxaysa Beer Iyo Ina Dhakool.
Wadanka Shiinaha Oo Aan Ogolayn In Shacabwaynaha Reer Taiwan Laga Qaado Cod Ay Ku Doonayaan Inay Ka Mid Ahaadaan Dhulwaynaha Shiinaha Ama Ay Noqdaan Wadan Ka Go’ay Kana Madax Banaan.
Waa La Doogiye Yaan La Dacaroon
 Insha Allaah Wuu Soo Dhoow Yahay Aqoonsigii Somaliland, Qofkasta Oo Reer Somaliland Waa Inuu Halgan Adag U Galo Wadankiisa, Oo Aanu Noqon Calooshii U Shaqayste Wadankiisa Cadoow Ku Ah.
Saxafi Madax Banaan Qoraa Ahna Murashaxa Mustaqbalka Golaha Wakiiladda Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmad- Sakatuuri Aadam Cadhood Hargaysa Somaliland.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker