Dhibaatada haysata weriye Cagmadhige iyo Wasiirka khaarajiga Soomaaliya.

Jamhuuriyadda Soomaalilaan, Tan iyo markii laga joojiyey baahinta TVga Universal, waxay biyo godkiisa ugu soo galeen Agaasimaha Barnaamijyada Universal, weriye Cagmadhige oo ku sandulaysnaa in uu buuxiyo meelaha ay banaysay barnaamijyadii quruxda badnaa iyo wararkii ka iman jirey howl wadeenada Somaalilaan.

Telifishanka Universal waxaa maamula Taliye ba’an oo sida dhuudhi casada aan kaa fuqaynin, ka dib markii ay soo gaadhey qaniinyooyin darandoori ah oo af iyo daba leh, weriye Cagmadhige wuxuu bilaabay in uu sida caruurta u sheekeeyo, isaga oo hadalka boobaya sidii caadada u ahayd ee uu moodi jiray in weriye nimadu tahay, isagoo aan neefsanayn, wuxuu bilaabay in uu xanto dhaqanka Soomaalida iyo amuuraha la xidhiidha xafladahooda. Waxaa se hortaala sidii uu u fulin lahaa balan qaadkiisii ahaa in aanay muhiim ahayn Soomaaliland.

 
 
Ma jirto colaad ka dhaxaysa dadka reer Xamarka ah (reer Xamar weyne/Shangaani) iyo reer Somaaliland, waxaaba lagu xantaa in ay yihiin dadka keliya ee aanay jirin wax ay kala tirsanayaan ee isugu dhow. Waxaa maamulka sare la gudboon inay xaqiiqsadaan, in aanay kaalintii Soomaaliland ku lahayd Tvga, aanay buuxin karin Cagmadhige iyo Ismaamulka Soomaalida Iitoobiya, midkood iyo haddii la isku daro. Maamulka Soomaalilaan way ka maarmaan Tvga Universal laakiin waa inay xuquuqda Saxaafadda iyo tan maal gashigaba dhowraan. Arrimuhu yaanay iskaga gedmanin si aanay ugu mergan.

Waxaa isaguna ku wareeray siyaasadda geeska Afrika, wasiirka dibeda Soomaaliya, mudane Cawed oo isaguna ku daaley sidii uu wax uga ogaan lahaa qorshayaasha iyo safarrada wasiirka arrimaha dibeda Soomaaliland, mudane Faratoon, oo xaqiiqdii ah siyaasi waayo arag, qunyar socod ah oo garbo qabadka ku daran.

Bashiir Tarabi Oogle.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker