Raiisul Wasaare Abiy: Dilkii Haacaaluu Hundeessaa waxa uu ahaa shirqool loo dhigay Itoobiya

Addis Ababa (OWN) – Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa idaacadda Fana u sheegay dilkii fannaankii qowmayada Oramada kasoo jeeday ee lagu dilay Addis Ababa habeenkii Isniinta uu ahaa mid si weyn lasoo qorsheeyay.

 

 

Dr. Abiy Ahmed ayaa sheegay in kuwa dilay Haacaaluu Hundeessaa ay doonayeen ujeedooyin gaar ah iyo qalalaaso dalka ka dhasha, iyo in ay wax u dhimaan midnimada dadka Itoobiya.

 

 

Abiy Ahmed ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigi doono kuwa dilka geystay ee doonaya inay dhibaateeyaan xasiloonida Itoobiya iyo midnimada umadda ka dhaxaysa.

 

 

“Itoobiya waxay weyday nolol qaali ah, dilka fannaanku waxen aaminsanahay inay geysteen kuwo wax u dhimaya midnimada iyo nabadda Itoobiya, balse sii xoojin doona si rabitaankooda inuusan meel marin,” ayuu yiri Abiy Ahmed oo sheegay inuu socdo baaritaan buuxo oo lagu soo qabanayo kuwii falkaasi geystay.

 

 

 

Mar uu ka hadlayay rabshadaha iyo dadka ku dhintay dibadbaxyadii ka dhashay dilka fannaanka ayuu sheegay in ”aynu soo bandhigno cabashadeena anagoo ilaalisanayna nabadgelyada isla markaana ka hortageyna dambiyada kale,” ayuu yidhi  Abiy.

 

 

 

Rabshadaha ka dhashay dilka fannaanka Oromada ayaa waxaa ku dhintay 6 qof halka 80 qof dad ka badan ay ku dhaawacmeen.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker