Gudoomiyaha Baanka Dhexe Ee Somaliland OoKulan Laqaatay Ururka Sariflayaasha Wadajir

Guddoomiyaha Baanka dhexe ee JSL Md. Cali Ibraahim Jaamac Baqdaadi oo ay Weheliyaan Agaasimaha Guud Md. Axmed Xasan Carwo iyo Saraakiisha sar-sare ee Baanka ayaa shaay  kulan Wada jir ah la qaatay xubnaha Guddiga Guud ee ururka sarriflayaasha WADAJIR oo ka kala yimid goboladda dalka JSL, kuwaas oo uu hor kacayay Guddoomiyaha Ururka Mud: Barkhad Axmed Coofiye. Ujeedadda kulankan ayaa ahayd sidii loo sii joogtayn lahaa xasiloonidda qiimaha Shilling ka somaliland, loona yarayn lahaa saamaynta sicir barar ee ka dhalan karta isbedel ku yimaada qiimaha lagu kala bedesho lacagaha suuqyadda wadanka, gaar ahaan xiligan lagu jiro xanuunka COVID19 oo saamayn dhaqaale ku yeeshay caalamka.

Ugu horayn Guddoomiyaha Baanka dhexe oo kulankaa ka hadlay ayaa tilmaamay in Baanka Dhexe isaga oo fulinaya siyaasadda guud ee xukumadda JSL ee uu gadh-wadeenka ka yahay Madaxweynaha JSL mudane Muuse Biixi Cabdi uu siyaasad cad ka leeyahay in lagu ilaaliyo qiimaha shilling ka Somaliland agagaarka SHSL 8500 halkii (USD) dollarba. Guddoomiyahu waxa uu intaa ku daray in mudadii ay xukumaddani talada haysay in aanay jirin wax lacag ah oo lasoo daabacay isla markaana la joojiyay kharashaadkii miisaaniyadda qaranka ka baxsanaa oo keeni jiray in uu dheeliyo suuqa lacagtu korna u qaadi jirtay qiimaha lacagta qalaad ee dollarka. Waxa uu guddoomiyaha baanku kula dardaarmay sarriflayaasha in ay kula shaqeeyaan Baanka iyo xukumaddaba siyaasaddaa.

Waxa isguna halkaa ka hadlay Guddoomiyaha ururka sarriflayaasha Wadajir Barkhad Axmed Coofiye kaas oo Baanka uga mahad celiyay wadashaqaynta dhow ee ay ka leeyihiin joogtaynta xasiloonidda suuqyadda lacagaha JSL, isaga oo hoosta ka xariiqay in ka urur ahaan ay si buuxda ugu shaqaynayaan siyaasadda Baanka dhexe ee JSL.

Gunaanadkii shirka waxa la is la qaatay qodobadan:
1. In Sarriflayaashu si buuxda ugu dhaqmaan isla markaana u fuliyaan Siyaasaddaha sarriflka iyo lacagta ee Baanka dhexe JSL lana ilaaliyo miisaanka faraqa labada gacmood ee sarrifka
2. In la abuuro Guddi ay qayb ka yiihiin ururka sarriflayaasha kuwaas oo si dhow ula socon doona isbedeladda ku iman kara qiimaha lacagaha ee suuqyadda JSL, kana talo bixin doona hadba wixii kusoo kordha suuqyadda lacagaha.
3. In la joogteeyo kulamadda noocan ah oo laga dhigo kuwo saddex biloodle ah

 

Allaa Mahad Leh

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker