Xasuus: Dhacdooyin cajab badnaa oo aan u soo joogay!

Xasuus- Dhacdooyin cajab badnaa oo aan u soo joogay !

 

Colaadinta iyo cuqdadda dadka qaarkood ay u qabaan dadka kale waa kuwo ka dhashay sababo aan marnaba maangal ahayn!

 

Wakhti ku beegnaa bishii May 2000, ayey mar qudha qaylo isla oogsatay dalka Yemen, gaar ahaan magaalada Sanca oo aan wakhtigaas wax ka baranayey.

Sanca University, gaar ahaan kuliyadda caafimaadka ayaa la sheegay in lagu qabtay dhakhtar Suudaan u dhashay oo lagu eedeeyey in uu qaybta shaybaadhka ee jaamacadda masuul ka ahaa isla markaana ku dilay 17 hablood oo ka mid ahaa ardaydii uu wax u dhigi jiray.

 

Muddo kooban ayaa la waday baadhitaanka kiiska oo dhacdooyin badan oo madmadow ku jiraa soo shaacbaxeen, ugu danbeynna waxa la sheegay in uu ninkani qirtay in uu halkan – shaybaadhka jaamicadda Sanca- dhexdeeda ku dilay 17 hablood oo ardaydiisa ahaa, jidhkoodana uu u adeegsaday tababar caafimaad, falalkaasna uu fuliyey muddo lix sannadood gudahooda ah, isla markaana uu hore Suudaan ugu dilay 11 dumar ah.

 

Baadhitaanka waxa lagu sheegay in uu ninkaasi hore u ahaan jiray feedhyahan, isla markaana jariimooyinkan oo dhan ay ku keliftay cuqdad uu hooyadii ka qaaday markii uu yaraa, taasoo dhaxalsiisay in uu dumarka oo dhan la colloobo.

 

Waxa kale oo la sheegay in xubnaha dumarkaa uu laayey uu ka ganacsan jiryay, kiiskuna waxa uu galay dad sare sare oo madax ah, sidaa awgeed si aanay fadeexaddu xayndaabkiisa u dhaafin ayaa degdeg malafkiisii loo xidhay, isagiina loo toogtay.

 

Nin oday ahaa oo garoonka Tareeriska ee xaafadda Pepsiga ee Hargeysa, geedka qudhaca ah ee waqooyiga kaga yaalla hoos fadhiisan jiray dhawr iyo siddeetankii ayaa dumarka aad u necbaa kolkaasuu necaybkiisa hab maanso ama afarray ah ku cabbiri jiray, waxa ka mid ahaa kuwii aan wakhtigaa ka maqlay ee aan weli maankayga ka bixin:

• Ilaahayow dumarkoo dhan

• Dayaarad maa lagu qaado oo

• Dayaxa markay marayaan

• Darawalku muu ku xanaaqo oo

• Dega maa la yidhaahdo.

 

Ninkaa odayga ah dhibta uu dumarka ka sheeganayey ma aan garanayn, iska xaraabe iyo sheeko ayay annaga caruurta ah noo ahayd wakhtigaas, isaguse dareen xanuun badan oo ka soo maray mid ka mid ah dumarka ayaa laga yaabaa in uu halkaas gaadhsiiyey.

 

Nin baa arkay inan gashaanti ah oo Alle joog iyo jaah qurxoon ku mannaystay, isla markaana si fiican u asturan oo xijaaban, inantii waxa uu isku deyey in uu la hadlo, way u suuragashay oo la wada hadal, ugu danbeynna lagu heshii in uu reerkooda ka doono oo guri la yagleelo.

 

Inantii waxa ay arrintii gaadhsiisay reerkoodii, isla markiiba inanta walaalkeed oo ninka yaqaannay ayaa sheegay in uu ninkaasi balwad xun leeyahay oo aanu mustaqbalkeeda ku fillaan karin ee ay ka fiirsato, inantii hubsiimo dheer ka dib waxa ay ku qanacday in ninkani aanu mas’uuliyaddeeda ku fillaan karin, sidaa awgeed waxa ay u sheegtay in arrimahaa jira awgood aanay guur ula wadaagi karin ee uu iska raalli noqdo, waxa uu isku deyey in uu si uun inanta go’aankaa uga leexiyo oo ay aqbasho, wuuse ku guuldarraystay.

 

Ninkii arrintii waxa ay ku noqotay xanuun nafsi ah oo halis ah, waxa uu bilaabay in uu la colloobo inankasta oo qurux badan, haddana uu collaysto inan kasta oo xijaaban, halkaa xanuunkiisii kuma istaagin ee waxa uu la colloobay midabkii xijaabka ee ay xidhnayd inantu maalmihii ay is barteen.

 

Saska iyo anfariirku waxa uu la gaadhay in uu maryihii midabkaas lahaa ee guriga yaallay gubo, ilaa ay hooyadii isku qabsadeen maradii ay xidhnayd!

 

Xanuunnada noocan ahi meel ay ku dhammaadaan ma yeeshaane ninkaasi waxa uu ku danbeeyey in uu dumar oo dhan cuqdad iyo colaadin u qaado oo marka uu isha ku dhuftaba habaar iyo hiifid isu raaciyo.

 

Naceybka noocaas ah ee sheekooyinkaa saddexda ah aynnu ku tusaalaynay waxa ay ka dhasheen naceyb hal qof ku aaddan, hase yeeshee si doqonniimo ah ayaa jinsi dhan oo ummadda ka mid ah loogu caam yeelay.

 

Cudurka noocaas ahi waxa uu maanta haystaa oo aan raadkiisa ka arkaa dad badan oo baraha bulshada adeegsada, waxa jira kooxo wadaad neceybku kulmiyey oo qaar badan oo ka mid ah uu  kiiskooduba ka bilaabmay wadaad ay isku xer ahaayeen oo isku dhaceen, weliba laga yaabo in kan colaadda ballaadhiyey ku gardarraa is jiidhkaas labada saaxiib dhex maray.

Habdhaqanka noocan ahi qofkan dhibban ee sidan u dhaqmayana culayska ayuu ku sii siyaadinayaa bulshadaas dhan ee xadgudubka lagula kacayana denbi aanay lahayn ayaa lagu colaadinayaa oo lagu dulmiyayaa, maalin baa se jiri doonta daalimka iyo dulmanaha loo garsoori doono.

Walaal naseexada qaado haba qadhaadhaatee oo colaadinta meesha daran kugu weeteenaysa ka joogso.

Ilaahay neceybka awliyadiisa inaguma ibtileeyo- Aamiin.

Dr-Abdulqani Hussein Beder

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker