Warbaahinta Dalka Denmark Oo Warbixin Yaab Leh Ka Qoray Wiil Somali/ Danish ah Oo Hargeysa Lagu Xukumay

Wiil soomali ah ayaa waxa uu ka soo baaxsaday booliska Denmark ka dib markii goor habeen ah wiil cadaan iyo madow iska dhalay oo 21 jir ah midi lagu dhuftay una dhintay sanadka markuu ahaa  2012 kii.

 

Wiilka soomaliga ah ayaa waxaa la dhahaa Cumar Muuse wuxuuna ka soo jeeda Hargeysa oo u u baxsaday wakhtigaas, Dawlada Denmark ayaa markii ay ka war heshay inuu joogo Hargeysa ayaa waxay ka codsatay Dawlada Somaliland inay u soo gacan galiyaan Cumar Muuse maadaama u haysto dhalashada Denmark laguna soo eedeyey dil.

 

Dawladii hore ee xukuumadii wakhtiga ee Siilaanyo ayaa waxay ku andacoodeen inuu Cumar Muuse  yahay nin Somaliland u dhashay aanay suurto-gal ahayn in ay Denmark u dhiibaan laakiin sheegay inay xukuumadda Siilaanyo  maxkamad saarayso Cumar Muuse.

 

Intaas kadib xukuumadda Somaliland ayaa sameeyey arin  Denish-ka ka yaabiyey   oo ah in ay Cumar Muuse maxkamad saareen 2014 oo ku xukumeen 20 sano oo xadhig ah iyo in uu bixiyo 33 neef oo geel ah.

 

Booliska Denmark ayaa aad ula yaabay cadeymaha ay u cuskadeen Cumar Muuse  ee ay Maxkamadu ku xukuntay inuu dilay wiil aan dalkooda joogin islamarkaasna aanay dawlada  Darmark wax cadeymo ahna aanan u soo dirin in qof eedeysane ah ay maxkamada Somaliland 20 sano ku xukuntay , iyagoo sheegay inaly la yaabeen  siduu u shaqeeyo Garsoorkooda Somaliland.

 

Warbaahinta  dalka Denmark  ayaa maalmahan qoraayey in Cumar Muuse uu maxkamada Hargeysa ku wareejiyey 33 neef ee Geela ahaa islamarkaasna sidaa  lagu soo daayey 3 sano oo u xidhaa ka dib.

 

Cumar Muuse ayaa la soo xidhiidhay safaarada Denmark ku leedahay Nairobi si loo siiyo passportkii oo laga xanibay,  Ciidanka booliska ee Denmark ayaa soo jeediyey in aan la siin passport maadaama uu hore u fakaday iminkana uu dal kale u fakan karo.

 

Waxaana  Dawladda    Denmark laga codsaday maxkamada Denmark in loo ogolaado in Passportka la siiyo Cumar Muuse, Waxaa go’aan laga gaadhayaa arbacada soo socota.


waxaa soo diyariyey : Amb Abdirizaq Ahmed Ina-Afqaraf

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker