Waraysigii U Ambassader Baalle Warbaahinta Siiyay Halkan Hoose Ka Dhegayso:

Danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobay Abuukar Daahir Cusmaan, (Abuukar Baalle) ayaa toddobaadkan loo doortay inuu noqdo mid ka mid ah 21 madaxweyne ku xigeen oo uu yeesho madaxweynaha Golaha Guud ee QM ee sanadkan oo bartimihii bishii June loo doortay danjiraha Turkiga ee QM, Volkan Bozkir.

 

 

Waa markii afaraad ee Soomaaliya ay qabato jagadan, ayada oo markii ugu dambeysay middan kahor ay ahayd 1987-kii, muddoo hadda laga joogo 33 sano.

Xilkan ayaa waxaa dalka loo doorto uu qeyb ka noqdaa qaar ka mid ah go’aamada horyaalla Madaxweynaha Golaha Guud, gaar ahaan go’aamada la xadhiidha la dagaalanka argagixisada, dib u dhiska hayadaha dowliga ah iyo dib u heshiista wadamada burburay.

Waraysigii U Ambassader Baalle Warbaahinta Siiyay Halkan Hoose Ka Dhegayso:

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker