Dhaliilaha Gudida Covid19 W/Q: Abdirahman Maryacase

Ugu horeyn waan hanbalyeynayaa dadaalka Xukuumadda iyo shacabkuba ka galeen sidii loola tacaali lahaa xanuunka arladda saameeyey waxaanse leeyahay ha is dhiganina weli la isma gaadhin.

 

Gudidan uu Madaxweyne ku xigeenku hogaaminayo ee la dagaalanka Covid19 waxaan ku dhaliiley wacyi gelin u muuqata in la hagradey oo aan dedaalkeedii la gelin. Ka hortaga ayaa ka wanaagsan daaweynta, marka aan daawo loo hayna ka hortagaa ugu muhiimsanba. Ka hortagu wuxuu xooga saarayaa in Bulshada laga wacyi geliyo sidii looga badbaadi lahaa xanuunkan. Xanuunkan wuxuu saameyn weyn ku yeeshay habdhaqankii ummada in bedelaad lagu sameeyo dhaqanka bulshada waa wax adag haday noqoto in gacanta la iska salaamo, la iska agdhawaado, goobaha bulshadu ku kulanto la camiro, badalida habdhaqankaa soo jireenka ah in mar kaliya la bedelaa waa wax adag waxa se la isticmaali karaa wacyi gelin joogta oo dadka lagu xasuusinayo halista uu leeyahay xanuunku, Gudiduna taa way ku fashilantay oo xataa pagekii facebuuga ay ku lahayd gudidu ee (National Preparednes Committe for Covid19) wax wargelinugu danbeysay 18. May, waa bil iyo wax la jira ka dib markii xanuunku dalka ku bilaabmay iskaba daa in 1.5 milyan ay wacyi gelin ku baxdee.

 

Qalabka lagu baadho xanuunku ee ganacsatadu ku deeqday iyo kuway Xukuumadu dirteyba dalka ma soo wada gaadhin. Xarumaha caafimaadka ee lagu baadhayo xanuunkan waxa laga dhigay dhakhtarada waaweyn oo hore looga digay in aan laga dhigin xarun lagu baadho xanuunkan Covid19 oo halis weyn gelinaya dadka xanuunsan ee difaaca jidhkoodu markoodii horeba la tacaalayey xanuuno kale oo ay hoy u yihiin awgood. Lama weelayn taladii ahayd in goobo gaar ah laga dhigo meelaha xanuunkan lagula tacaalayo.

Hirgelin la’aanta qodobada gudidu soo saartey si loo xakameeyo xanuunkan Covid19 haday noqoto xidhashada maaska, iska soo agdhawaanshaha xooga ah, abaabulida dad badan oo goob la iskugu keeno iyo agab yari soo waajahaday bahda caafimaadka ee la tacaalaysa xanuunka ayaa iyana ah dhaliil weyn oo dul hoganaysa gudida.

 

Gudidu may baadhin oo inalama wadaagin saameynta dhaqaale ee xanuunku yeeshay. Qorshe laga yeeshay sidii loo badbaadin lahaa dhaqaalaha dalkana maynu arag. Xoolihii dalabkoodii hoos ayuu u dhacay maadama Xujey badani aanay sanadkan imanayn Xajka xoolo la soo celiyeyna ay jiraan. Wax soo saarkii Ayax baa ku habsadey, isku socodkii gudaha iyo dibadaba waa kala xidhmey. Hindise xukuumadu uga diyaar garoobeyso ilaa hadda lama arag, Gudiduna kama dhawaajin saameynta dhaqaalaha uu yeeshay xanuunkan. Wax hufnaan xisaabeed ah oo dahfuran oo shacabka lala wadaagay ma jirto sidii loo maareeyey adduunkii Ganacsatada, iyo shacabku iska soo ururiyeen baahidan awgeed oo iyana u baahan in hoos loo eego.

 

Ugu danbeyn xanuunku ma tagin, mana yaraan oo adduunka wuu ku sii fidayaa marka la tixraaco warbixinada ay soo saareyso haayadda caafimaadka adduunka ee WHO. 10 milyan oo oo xanuunku adduunyada saameeyey iyo 500 oo kun oo nafahooda galaaftay, iyadoo xaaladu halkaa mareyso in gudidu ku dhawaaqdo in dalku fasax yahay karantiimeyntiina ay qaadeen waxay halis weyn ku tahay badqabka caafimaad ee muwaadiniinta, waxa haboon talaabooyinka laga maarmaanka ah in si cad loo sii xoojiyo si xanuunkan aanu inoogu yeelan saameyn taban oo aynaan ka soo kabsan.

 

Abdirahman Maryacase
zuunaari@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker