Buurtii Foolatay, Ma Bakaylaay Dhashay? Qaybtii Siddeedaad: Buurtii Foolatay, Bakaylaay Dhashay!

Nabad akhristeyaal. Qaybtan oo noqon doonta,- haddii Ilaahay idmo – guntii iyo gebogebadii qormadii aynnu beryahanba soo wadney ee la magac baxday; Buurtii Foolatay, Ma Bakaylaay Dhashay?  kuna saabsanayd shirweynihii Jabuuti loogu qabtay labada dal ee Soomaaliya iyo Somaliland, waxaynnu wax kaga tilmaami doonnaa; sidii shirku ku soo dhammaaday iyo wixii ay qolo waliba kala carrowday.
Haddii aynnu dib u milicsanno, diyaaradihii ay dawladda Jabuuti kala dirtay ee u duulay; Hargeysa iyo Muqdisho – iyadoo weliba lagu jiro xaaladdan adag ee Covid19ka – heerka sare ee madaxtinimo ee ay labada waddanba ka soo boqoolay ee diyaaradaha soo raacay ee salaanta loo qabtay oo kala ahaa: madaxweynayaal, ra’iisal wasaare, madaxdii baarlamaanada labad dal, wasiirro mudan, lataliyayaal iyo aqoonyahanno; waxa la filayey, in ay shirkooda ka soo baxaan go’aamo dhaxalgal ah oo ka mug iyo miisaanba roon shirarkii hore loo wada galay ee sheekada iyo sharaabka ku dhammaan jirey!
Ninkii Cigaal Shiidaad ayaa habeen isaga oo guuraynaya arkay kurtin, markaasuu ka baqday oo uu is yidhi,” Waxan aad arkaysaa, haddii uu ugu yar yahay waa libaax.!” Dabadeedna naxdin ayuu halkiisii ku kala qaboobey oo uu ka dhaqaaqi kari waayey! Markii uu waagii beryey ayuu arkay, wixii uu libaaxa moodayey oo kurtin ah! Kaddibna wuxu yidhi, halhayska caan baxay ee ah: ma waxaan ku moodayey, mise waxa aad noqotay, mise ta aan loo noqon doonin …? Ta aynnu moodeyney waxay ahayd, in madaxdu wax weyn soo saxeexayaan oo ay yihiin buurtii foolatay! Waxase shirka ka soo baxay noqday, wax aan u qalmin baaxaddiisii iyo sidii loo buunbuuniyey. Sidaasi darteedna, waxa ka dhacday; kaaf iyo kala dheeri iyo kamaan filaneyn – waa marka go’aamadiisa lagu qiimeeyo’e!

Dhinaca kale marka laga eego, ma la odhan karaa shirkaasi khasaare ayuu ahaa? Arrintaasi waxay ku xidhan tahay, hadba isha aad ku eegtid iyo dhinaca aad iska taagtid! Waana arrin dabiici ah, in qof waliba si wax arko oo aan Aadamuhu aragtida ku midaysnayn!

Qorraxdaasi dusheenna
Qaar baa qiiq laga saaray
oo qurub aan ka araynin!
Ubaxaa quruxdiisa
ishu kuu qabanayso
Mid kalaa qawadaaya
oo qodaxdiisa arkaaya!
Waxaan qiimo lahaynna
oo qadarkiisu yaryayna
Quruumaa ku dhammaaday
Isku soo wada qaydoo
Qorshahaasi adduunna
Qofba meel ka abbaar!

Waxaynnu arrimahaasi uga dan leenahay, in aanay had iyo jeer jirin qiimayn dhacdo ama shaay oo boqolkiiba boqol la isku wada raacaa! Waxayse qoraaga iyo inta la qabtaaba aaminsan yihiin, in aan la odhan karin shirkaasi Jabuuti khasaare ayuu ahaa!
Bal haddaba aynnu dhuganno dhawrkan arrimood ee hoosta ku qoran oo maragmuujin innoogu filan, in aanu shirkaasi khasaare ahayn ee uu saluug lahaa. Bal u fiirso:

  • Madaxdii saddex waddan oo soomaaliyeed ayaa isku arkay oo si toos ah iyo si dadbanba u wada hadlay
  • Jabuuti ujeeddooyinkii ay shirka u marti gelisay ee aynnu hore u soo tilmaanay waxbaa uga hirgalay
  • Somaliland sir iyo caadba waxay u sheegatay qaddiyadeedii ay muddada la guuxaysey ee madasha u la’ayd
  • Soomaaliya waxay soo xaqiiqsatay halka la kala taagan yahay iyo in aanay walaalow dambe soconaynin
  • Beesha caalamkuna marag iyo markhaati ayay ka noqotay, meesha la kala taagan yahay oo mugdigii markii hore ku jirey ka bax!

Sidaa awgeed, waxaynnu odhan karnaa; shirkaasi khasaare ma ahayn ee waxa ka soo baxay ayaa ka yaraa, wixii laga filanayey!

Marka dhinaca laga eegana, buurtii foolatay, bakhti may dhalin ee bakaylaay dhashay! Beriga dambana waxaynnu rajeyneynaa; in ay buutaasi maroodi dhasho!

Akhristaha qiimaha lahoow, qormadii aynnu soo qaybqaybinayna halkaasi ayay ku biyoshubatay – waanad mahadsan tahay.

 

 

Cabdullaahi Maxamed Cumar

Email: timacadde56@hotmail.com

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker