Amar Lagu Soo Rogay Gaadiidka Tagaasida Ka Shaqeeya Magaalada Hargeysa

Maayarka  Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid ayaa amar uu soo saaray ku sheegay iyadoo laga duulayo dhibaatada Bersoosha  muraayadaha gaadiidku ay ku hayso nabadgelyada.

 

Markuu arkay……. xeerka maamulka gobolada iyo degmooyinka Xeer lambar 23/2020 qodobka 40-aad gaar ahaan xubintiisa 13-aad.

Markuu arkay …….. Dhibaatada ay Bersooshu ku hayso nabadgelyada anshaxa iyo dhaqanka suuban.

Markuu garwaaqsaday inay lagama maarmaan ay tahay in gabi ahaanba la mamnuuco Bersoosha gaadiidka.

Markuu tixgaliyay Talada masuuliyiinta ay hawshani khusayso.

 

Wuxuu go’aansaday duqa caasimaddu.

Iyadoo loo kala hormarinayo sida ay u kala daranyihiin gaadiidka dadweynaha gaar ahaan kuwa VITZ-KA IYO PROBOX-KA iyo gaadiidka Tagaasida ku shaqeeya laga bilaabo 1.bisha Jully ilaa 15 jully 2020 wixii Beersool ah ee lagu arko VITZ-KA ama  PROBOX-KA lagu arko waa laga jari doonaa gabi ahaanba.

16 Jullay wixii VITZ-KA ama  PROBOX-KA ama gaadiidka tagaasida ku shaqeeya ee Beersool lagu arko waa laga jari doonaa waxana laga qaadi doonaa ganaax lacageed oo dhan boqol kun oo shilinka Somaliland ah.

Dhaqan galinta amarkan waxa yeelan doona Taliyaha ciidanka Nabad gelyada waddooyinka iyo taliyeyaasha qaybaha Galbeedka iyo Barriga caasimadda Hargeysa.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker