Al-Shabaab oo dagaaal iyo weerar madaafiic ah ku qaaday saldhigyada ciidamada Kenya

Muqdisho (OWN) – Dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro madaafiic ah ku qaaday saldhigyo ay ku sugan yihiin ciidamo Kenyan ah oo ka tirsan kuwa AMISOM.

Weeraradaasi ayaa lagu qaaday saldhigyada ay ciidamada Kenya ee AMISOM ku leeyihiin deeganada Cabdalla Kudhaa iyo Cabdalla Biroole, kaasi oo sababay dagaal xoogan oo labada dhinac dhex-mara.

Dagaalyahanada Shabaabka iyo ciidamada AMISOM ayaa saacado is rasaaseyay kadib weerarada madaafiicda ahaa ee ay kusoo qaadeen Shabaabku, taasi oo dhalisay khasaaro badan oo kala duwan.

Inkasta oo si dhab ah loo ogeyn khasaaraha ka dhashay weeraradaasi kala duwan, ayaa haddana war ay soo saartay Al-shabaab ku sheegtay inay weeraradaasi ay khasaaro ba’an ku gaarsiiyen ciidamada Kenya.

Al-Shabaab ayaa mareegaheeda Internet-ka ku baahisay inay guul ka gaartay weeraradaasi ay ku qaadeen ciidamada Kenya ee qeybta ka ah kuwo AMISOM, halka ay weli ciidamada Kenya aysan dhankooda ka hadlin.

Kooxda Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro gaadmo ah ku qaada saldhigyada ciidamada Kenya ee Jubbooyinka iyo weliba kuwa ay ku sugan yihiin ciidamada Jubbaland oo iyagu iska caabin xoogan kala hortaga.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker