Oodweyne News - Latest Somali News Update

SUUGAANTII XORNIMADA IYO XAAJI AADAN AXMED AFQALOOC

26-june 1960 waxay ahayd maalintii ugu horeysay ee calan soomaliyeed laga taago geyi soomaliyeed gudaha magaalada hargaysa ee caasimada somaliland, waxay ahayd farxad in badan loo xiiso qabay, xornimo la helay ayaa dhinac walba laga dareemay, dadkii dareenkaa fiican ka falceliyey ee ammaanta xornimada ku dheeraystay waxa kamid ahaa suugaanyahano badan oo ku sugnaa gudaha ceelka hargaysa oo markaa goobjoog ka ahaa calanka soomaliyeed ee la helay iyo xornimada ka hanaqaaday dhulkii maxmiyadii ingiriiska ku hoos jirey ee la odhan jirey (british somaliland protoctrate) abwaanada sida togan farxadii gobonimada uga gabyey waxa kamid ahaa xaaji aadan axmed afqalooc(AHN).

Markii calanka la saaray waxa calanka gacantiisa ku saaray halgamaa rugcadaaya, geesi aan cadkiisa loo muhankarin waa cabdilaahi aadan (cabdilaahi koongo).

Markii Somaliland ka xorowdey Ingiriiskii gumaysan jirey sannadkii 26june 1960-kii, waxa hal-abuur badani maanso ku cabbiray dareenkiisii gobannimada ku beegnaa, gaar ahaan waxa maansoyahano badani tiriyeen tixo ay ku sifaynayaan qiimaha calankaas la helay leeyahay, midabkiisa iyo waxa uu u taagan yahay. Xaaji Aadan Axmed Xasan (Af-qallooc) oo ka mid ahaa hal-abuurkii nafta iyo maalkiisaba u hibeeyey in Soomaalidu gobannimo gaadho, xaajigu waxa uu isla 1960-kiiba isaga oo jeelka ka soo baxay tirinayaa gabaygan kooban ee soo socda oo ka hadlaya calankaas la saaray iyo haybaddiisa.

Ararta gabayga ayuu xaajigu eebe weyne u mahad celinayaa isagoo adeegsaday magac koobaya mahad eebe oo dhan, dhanka kale waxay ula muuqaday xaajiga inay tahay dayax afariyo tobnaad ah oo maraya markii uu ugu nurka iyo iftiinka badnaa, sidoo kale xaajiga waxay ula ekoonaatay in calanka la helay iyo xornimadu ay tahay aayad kamid ah aayadaha eebe weyne ee dunida ka muuqda ee umada soomaliyeed u soo rogay, markale wuxu u ekeeyey laydh udgoon badan wadata oo oogo sare ka soo dhacaysa, markale wuxu ku shabahay ilo biyo leh iyo dur-dur soconaaya qofkii oon ama haraad qabtaana uu si fudud uga cabi karo kuna oonbixi karo, markale wuxu u ekeeyey ubax dhalaal badan oo geedaha dushooda ku yaal kaas oo bilaya quruxda geedka. Abwaanku wuxu calanka ku tilmaamay mid eebe weyne raajiyey oo aan abidkiis aanay nusqaani ku dhacaynin, wuxu tilmaamay calankii waagaa oo ahaa calanka cirka u eeg ee xidigta dhexda ku leh calanka soomaliyeed.

Hadaba xaaji aadan axmed afqalooc wuxu yidhi:
Alxamdulilla calankii la taag aaminka ahaaye
Afariyo tobnaad sidiisii arlada nuurki ku ekeeye
Waa aayad naxariis ah oo Eebbe soo rogaye
Waa laydh udgoonoo ka timid oogadaa sare’e
Waa ilo biyo lahoo ninkii oomay ka cabbaaye
Waa ubaxa iyo geedahoo aad u soo baxaye
Waa miduu Ilaah raajiyaan abid nusqaamayne
Ammaantiisa kuma koobi karo afiyo liisaane
Cirkuu u egyahoo aan lahayn iniq daruureede
Xiddig olosha baa lagu dhigoo aad u kaah badane
Asraq weeye midabkiisu oo lagu asteeyaaye
Afriiqiyada Bari buu u yahay shamis arooryaade
Sida qamarka oogada jiruu ugu iftiimaaye
Argaggaxana cadowgaa ka baqa eeg hadduu yidhiye
Ummaddii la googooyey buu ururinaayaaye
Ilaah mahaddi waa taa khalqigu na ictiraafeene.

 

GOBANNIMO HAWL YARI
Xiliyadii gobonimo doonka ee umada soomaliyeed u halganka dheer ugu jireen xornimo iyo inay kamid noqdaan umada gobta ah ee dunida ku nool iskana kiciyaan dulliga iyo foolxumada gumaystaha ayaa xaaji aadan dabadhilifkii gumaystaha oo soomaali ahaa kusoo eedeeyeen kicin dadweyne iyo falal lid ku ah gumaystaha ingiriiska, waa yaabe dadkaa ingiriiska rabay ayaa ahaa kuwii dibindaabyeeyey hore u socoshada iyo taabogalinta xornimada geyiga soomaliyeed kaas oo bilowday waqti aanu dhaqdhaqaaq ka bilaabmin dalalka la gumaysan jirey ee dunida dacaladeeda ku yiilay, waqtigaas ay soomalidu dareentay hadimada gumaystaha wuxu ahaa horaantii 1900-kii kolkaas oo geyiga soomaliland ay ka bilaabantay kooxdii ugu horeysay ee gumaysi la dirirka ahayd kooxdii daraawiishta ee gadhwadeenka uu ka ahaa sayid maxamed cabdalle xasan alle ha u naxariistee, jabkii daraawiishta waxa geyiga kusii xoogaystay dhaqdhaqaaqyo kale oo wadani ah kuwaas oo xornimo lagu raadinayey sida dhaqdhaqaaqii uu hogaamiyey sh.bashiir halka koonfurta soomaliyana ay jireen dhaqdhaqaaqyo ka hortagayey hadimooyinka gumaystaha.
Xaaji aadan axmed afqalooc waxa lagu eedeeyey kicin iyo abaabul dadweyne oo ka dhan ah maxmiyada ingiriiska xabsi ayaana la dhigay waxaanu kobtaa kula kulmay rag iyaguna gumaystaha u xidh-xidhan oo ahaa haldoorkii iyo labeentii bulshada, mudadii uu xabsiga ku jirey wuxu ka soomay cunto oo dhan markii uu mudo xidhnaa ayaa laga dalbaday in loo keeno woxoogaa cunto ah oo nafta ku ilaasho. Xaaji aadan waa gabyey oo kobtaa ka tiriyey gabay dareen taabad leh oo umada dareensiiyey in aan gobonimada aayar lagu helin ilaa loo maro surin cidhiidhyoon iyo saymo adag, wuxu sidoo kale ragii kobtaa joogay dareensiiyey in xabsigu yahay nolosha ninkasta oo gobonimo doon ah ragii degeladooda xoreeyeyna ay soo mareen sida nakruuma: oo ahaa madaxii dawladii ugu horeysay afrikada madow ee ka hooseeya saxaaraha, haytama gaandi: waa mahatama gaandi hogaamiyihii xornimada wadanka hindiya, jamaal: jamaal wuxu kamid ahaa madaxdii xornimo doonka wadanka afganistaan, iyo kumaan kale oo aanu gabyaagu aanu magac dhabin hayeeshee uu muujiyey dareenkii wadaniyadeed ee ragaasi ay lahaayeen. Gumaysiga reer yurub ee geyigeena qabsaday iyo kuwii soomalida ahaa ee daba dhilifka u ahayd waxay ku dedaalaan hoojinta iyo seejinta bulshada soomaliyeed marinka toosan dhibkii ay waagaa beereen ayaa ilaa maanta meelo badan oo geyiga soomaliyeed ah ay la daalaa dhacayaan.

Ararta gabayga ayuu Xaaji aadan ku dheeraaday gobonimada iyo siday muhiim u tahay,iyo in aan haasaawe iyo hurdo midna gobonimo iyo guusha nololeed lagu helin hayeeshee ay tahay in halase colaadeed loo jiido, oo jiidhku u suuqmo, salo adagna iyo saymo halisana loogu badheedho waxaanu yidhi xaajigu:
Gobannimada hawl yari ninna kuma helaayo’e
Rag horuumar doonana waayaa horjooga’e
Haasaawe jiib iyo hurdo kuma timaaddo’e
Habeen nimaan u guurayn hoo lama yidhaahdo’e
Nimaan haaro lagu yeelin hebel lama yidhaahdo’e
Halkay taal wax kaa xiga halasiyo dab weeye’e
Hore inaad u jiidhaa hadafkeedu yahayoo
Hammadiyo ujeeddaduna dhaxal hadhaya weeye’e
Halkaan caawa joognana rag baa loo hagaajaye
Haamaannadaa gala laga haybadaysto’e
Haytamihi Gaandaa beryo lagu hor joogaye
Isba magacii uu helay baa loo hanneeyaye
Anna kama hinniyayee taariikh bayga hadhiyoo
Haad-biidhigiyo biraha habro looma tumannine
Nin harraati diidaa hoggaan looga dhigayee
Nin sidayda hawl-kari hohba kama yidhaado’e
Hadhash iyo nin liitaa ka halaahalaaya’e
Hanba nimaan lahayn baa hagardaamo mooda’e
Higmaddiyo bustaha xumi ka hagaagsan ruumiye
Hadhuudhkayga ii keen halla maaha xaalkuye.

 

 

W/Q: Cabdirisaaq Darwiish.