Muxuu Daarnaa Kulankii dhexmaray Madaxwayne Biixi iyo Pro Khaliif Galaydh

Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa Qaabilay Prof. Cali Khaliif Galaydh, hoggaamiyaha Khaatumo.

Kulankan oo noqonaya kii koowaad ee ay yeeshaan Muuse Biixi Cabdi inta loo doortay Madaxweynaha Somaliland iyo Prof. Cali Khaliif Galaydh, ayaa lagaga wada-hadlay Arrimo kala duwan, sida ay ilo-wareedyo Xog-ogaal ahi u xaqiijiyeen Oodweynenews.

Hoggaamiyaha Khaatumo, Cali Khaliif Galaydh  ayaa  2017-kii Magaalada Caynaba heshiis kula saxeexday Xukuumadda Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Heshiiska Galaydh uu la saxeexday Xukuumaddii hore ee Axmed-Siilaanyo oo ka koobnaa Lix Qodob ayaa wuxuu fulintooda ka sugayey Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Qodobbada heshiiskaasi ku jiray ee Galaydh doonayo in Xukuumadda Madaxweyne Biixi fuliso waxa ka mid ah in ‘Dastuurka Somaliland la furo’ si i loo sugo awood qaybsi ku dhisan cadaalada iyo Sinaan.’

Waxa kale oo ka mid ah Qodobbada ku jiray Heshiiska Somaliland iyo Hoggaamiyaha Khaatumo isla-markaana fulintooda laga sugayo Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi ‘in laga shaqeeyo sidii Hay’adaha Qaramada Midoobay iyo kuwa Caalamiga ah uga hawl-geli lahaayeen deegaannada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle’.

Cali Khaliif Galaydh oo tan iyo markii Madaxweyne Biixi la doortay ku sugnaa Magaalada Hargeysa ayaa fagaareyaal badan kaga hadlay sida aan loo fulin heshiiskii ay la galeen Somaliland.lin heshiiskii ay la galeen Somaliland.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker