Oodweyne News - Latest Somali News Update

Hanka Gooni Isu Taagga Iyo Xaqiiqada!!!.

Waxa aynu ka wada dharagsan nahay in ay Somaliland ku dhawaaqday gooni isu taag iyo madax banaani ay ka madax banaan tahay dawladdii la isku odhan jiray Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed (Soomaali Republic). taas oo la odhan karo waxa ay ka dhalatay tabasho iyo caddaalad darro wayn oo kasoo gaadhay nidaamkii isu tagga labada Gobal ee Waqooyiga iyo Koonfurta Soomaaliyeed. iyada oo la wada ogsoon yahay damaca iyo doonista in gobollada Waqooyi ay gaar  ula noqdaan nidaamkoodii ay hore ugu tabaruceen si walaaltinimo ah oo ay ku raadinayeen shanta Soomaaliyeed, in ay soo if baxday isku biiristii labada gobal sanad ka bacdi oo ku beegnayd hilaadii 1961 kii.

Taariikhdaa xaga sare ku xusan ee ah 1961 kii, waxa ay ahayd markii ay saraakiil dhallinyaro ah oo kasoo jeedda gobollada Waqooyi ee Soomaaliya ay isku dayeen kuna kaceen “Afgambi”, kaas oo ay ku daba joogeen in ay helaan Somaliland tii ay sanad ka hor ku dareen Koonfurta Soomaaliya si bilaa shuruud ah. Haddaba halgankaa dheer ee halkaas ka bilaabmay waxa uu socday muddo dheer oo aan u kala qaybinayno laba qaybood oo kala ah; intii ay Waqooyi iyo Koonfurtu isku ahaayeen hal dawlad oo dunida ka tilmaaman oo ay korkeeda taalo sharaf iyo karaamo dawladnimo oo la wada majiirtay, taas oo u dhaxaysay 1960 ilaa 1991 kii, Afrikana ka dhex tilmaanayd. iyo mid ka bilaabmay markii dawladda Somaliland lagu dhawaaqay oo ku astaysnayd 18, May, 1991 kii, oo ilaa iminka socda, taas  oo aan wali la saadaalin karin sida ay wax noqon doonaan; ciyaartu ma waxa ay dhici doontaa “dur mise Daabac”.

Haddaba labadan taariikheed ee xaga sare ku xusani waa laba halgan oo isku waqti dhaw oo waxa ay ba is dheer yihiin laba sano waqtigan aynu joogno maanta oo aan faygaraayo dhigaalkan ama qormadan kooban ee la magac baxday “Hanka gooni isu taagga iyo xaqiiqada”, taas oo aan isku qanciyay  dadkaaga ayay wax badan u iftiimin doontaa. Si kastaba ha ahaatee halgankii hore ee lagu baadi goobaayay in la soo celiyo Somaliland tii xornimada qaadatay 26 June, 1960 kii, taas oo ka xorowday gumaystihii waynaa ee “Great Britain”, kaas oo la odhan jiray cadceeddu kama dhacdo. waxa ay dadka reer Somaliland ku qaadatay muddo dheer oo aan ka yarayn 31 sano, oo ka bilaabma 1961 kii ilaa 1991 kii, oo ahayd sanadkii lagu dhawaaqay dawladda la baxday Jamhuuriyadda Somaliland (Somaliland Republic). taas oo la odhan karo  dadka reer Somaliland waxa ay usoo mareen maalmo adag iyo xiliyo kakan oo mahadhooyin iyo xusuuso badan.

Halgan iyo himilo dheer oo lagu raadinaayay Somaliland oo dib u  dhalata waxa loo wanqalay 18 May, 1991 kii, goobtuna waxa ay ahayd magaalada taariikhiga ah ee burco. maalintaas laga bilaabo dadka reer Somaliland waxa ay u kabo tosheen in ay dhistaan Somaliland la wada leeyahay oo dadku kaga nastaan wax badan oo ay tirsanayeen, cagtana saaraan dhabbaha guusha iyo dawladnimada Somaliland oo korta oo kaalin gasha.

Aniga oo aan u guda galin dawladda Somaliland ma lagu caano maalay mise laguma caano maalin, dhammaan beelaha Somaliland wada degaa ma ku niyadsan yihiin mise iskuma niyadsama. waxa aynu wada ogsoon nahay in Somalilland ay ka hirgashay nabad iyo xasilooni siyaasadeed iyo mid amniba, taas oo ay dadka degaa kaga nasteen amni darro iyo qas iyo qalalaase. taas beddelkeeda waxa dawladda Somaliland ay abuurtay jawi degan oo siyaasadeed, kaas oo ka hana qaaday dhammaan gayiga Somaliland sida: Doorashooyin cod iyo qof ah ee qaybaha kala duwan ee nidaamka dawladnimo. kuwaas oo kala ah doorashooyinka madaxwaynaha, doorashooyinka goleyaasha wakiilada iyo goleyaasha deegaanka, taas oo muujinaysa horumarka iyo hana qaadka ay ku dheehan tahay Nabadda iyo Dimoquraadiyada, isla markaana waxa ay ammaan iyo bogaadin badan kala kulantay beesha caalamka iyo gobalkaba.

Haddaba laga bilaabo 1991 kii, Somaliland xagay u socotaa?, waa su’aal u baahan in la is waydiiyo; haddii aynu ka jawaabno, waxa ay Somaliland 29 sano u gibil xidhatay oo hayaan iyo geedi dheer oo ah “guuragal iyo galab carraw”, u gashay sidii ay ku heli lahayd aqoonsi caalami ah oo ay kaga mid noqoto waddamadda dunida korkeeda saaran,  kuwaas oo ku midaysan ururada caalamiga ah sida; kuwa dawliga ah iyo kuwa aan dawliga ahayn, (Inter-Governmental Organizations and International Non-Governmental Organizations.

Raadintaa iyo baadi goobkaas lagu doonayay hanashada dawladnimo adduunka ka tirsan oo codkeeda iyo xubin-nimo buuxda ku leh Qaramada midoobay, African Union iyo ururada kale ee caalamiga ah ba, waxa la galiyay dedaal iyo doonis dheer oo hagrasho iyo han yaraani ku ladhan tahay, iyada oo dawladda Somaliland meelo badan gaysay codsigeeda ku salaysan aqoonsiga dawladnimo, kaas oo ahaa ujeeddada koowaad ee loo halgamayay mudada dheer, isla markaana kusoo hungawday doonistaa iyo dedaalkaa dheer. iyada oo la odhan karo waa ay ku kala aragti duwanaayeen madaxda Somaliland soo mraty doonistaa iyo raadinta aqoonsiga.

Si kataba ha ahaatee dedaalkaa iyo doonistaa dheer wali lama hayo hal qabsi ama humaag laga dheehan karo aqoonsi caalami ah oo dunidu siiso dawladda Somailand, sida dawladdaha awoodda sharci u leh aqoonsashada waddan raba inuu dunida kusoo biiro iyo ururada caalamiga ah ee dawladduhu ku bahoobeen. intaas ba dawladda Somaliand waxa ay kala soo kulantay gacmo madhan iyo waji gabax sida uu sheegay mudane Axmed Kayse oo xilal  wasiirnimo oo kala duwan kasoo qabtay dawladda Somaliland, kaas oo waraysi siiyay muuqaal baahiyaha ( Universal Tv), taariikhdu markay ahayd 2 April, 2020 kii.

Mudane Axmed kayse waxa uu waraysiga ku sheegay in dawlad kasta iyo urur kasta oo ay Somaliland hor dhigto qadiyad-deeda gooni isu taagga iyo madax banaanida dawladnimo, in lagu war galiyo in ay muhiim tahay in ay soo heshiiyaan Gobolladii ay markii hore midoobeen oo dawladdii sharciga ahayd ay wali gacantooda ku jirto. taas oo ay horeba marar badan siyaasiyiinta iyo dadka ka war haya halka ay marayso aqoonsi raadiska Somaliland ay sheegeen inaan adduunku aqoonsi siinayn dawladda Somaliland inta aanay Soomaaliya aqoonsan. ujeeddo kastaba ha lahaatee dawladdaha adduunka iyo ururada dawladdaha dunidu ku bahoobeen ayaa meel adag ka istaagay aqoonsashada dawladda Somaliland, una sheegay madaxda kala duwan ee soo hoggaamisay dawladda Somaliland in ay ku biyo cabbaan inaan la aqoonsanayn ilaa inta ay soo kala baxayaan dawladdii la odhan jiray Soomaali Republic ee hadda loo yaqaan dawladda Federalka Soomaaliya.

La Soco Qaybta Labaad.

W/Q: Mukhtaar Maxamed (Dawlad)

Email: mukhtaar590@gmail.com