Xanuunka Covid 19 oo aad Kor ugu kacay Dalka Ethiopia

Wasaaradda caafimaadka Itoobiya waxay shaacisay 119 xaalad oo cusub oo ah COVID-19 oo laga helay waddankaasi kadib markii baaritaan lagu sameeyay 3,895 bukaan oo xanuunka looga shakiyay 24 saac ee ugu dembeeyay.

 

 

Bukaannadaan cusub ayaa guud ahaan ka dhigaya wadarta guud dadka xanuunka Coronavirus laga helay dalkaas 5,689 ruux sida ku cad diiwaanka wasaaradda caafimaadka.

 

 

Marka la eego xaaladahan soo kordhay ayaa waxa kala yihiin dadka laga helay xanuunka 73 rag ah iyo 46 dumar ah, una dhexeeya da’da hal sano jir illaa 80 jir sida warbixinta wasaaradda caafimaadka Itoobiya lagu xusay.

116 kamid ah dadkaasi waa Itoobiyaan , halka 3 ruux ay yihiin Ajnabi.

Kiisaskaan ayaa 99 kamid ah laga helay Caasimadda Addis Ababa, 7 kamid ah waxaa laga helay deegaanka Harari, 5 ruux waxaa lagasoo weriyay Tigrat, halka 4 ruux laga soo sheegay dhulka Soomaalida iyo 3 ruux oo deegaannada Oromia laga diiwaan-geliyay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker