Oodweyne News - Latest Somali News Update

WAA HAL AAN TABAYEY DIFAACA JIDHKA AADAMUHU

Awooda Xoogan ee Difaaca Jidhka Aadamuhu waxa uu yareeyaa in aanay fursad u hellin xannuunada keena fayrasku in aanay dhib soo gaadhsiin Unugyada Jidhka Aadamaha, waxaana jira habab badan oo lagu xoojiyo difaaca jidhkaa si uu iskaga caabiyo xannuun dhaliya kasta oo soo weerara difaaca jidhka.

Xilliyada qaboobaha ee uu hargabku sida baahsan u saameeyo bulshada, waxa laga yaabaa in bulshada badankeedu uu ku dhaco hargabkan, kaasoo dadka qaarna uu ku xumaado iskuna badelo oofwareen, xilliyadaasna waxa jira in aanay dadka qaar aanay ku xannuunsanin oo aanu ku dhicin hargabku, waa haddii uu ku qufaco qaba hargabkaas amaba qof kale uu ku hindhiso, waxaana suurogal ah in ay u jiifsadaan dhamaan qoyskiisu xanuunkan, balse kuwo ka mid ah qoysku ay caafimaadkoodu taam sii ahaado.

Weligaa mala yaabtay oo ma is waydiisay sababta dadka qaarna ugu nuglaadaan, waa haddii uu la kulmo qof hargab qaba ama hindhisaya, waxa laga yaabaa in uu isla wakhtigaas uu qaado hargabkii, halka dadka qaarna aanay waxba ku noqon oo ay shaqadoodii iska sii wataan.

Awooda difaaca Jidhka Aadamaha iyo nidaamka xoogan ee uu difaaca jidhku uu iskaga caabiyo xannuunk keenaha ayey dadku ku kala duwan yihiin, kuwaasoo qaarna uu difaaca jidhkoodu xoogan yahay oo xannuun aanu ku keeni Karin haddii uu jidhkooda soo galo, kuma guulaysan karo in uu xannuun ku keeno, jirro, ama wax calaamad ah ama uu ku noqda saf-mar.

Hadaba maadaama oo uu awooda difaaca jidhkeenu uu ka hortagi karo xannuuno badan oo uu fayrasku keeno, waxa muhiim ah in qof walba ku dadaalo sidii uu u xoojin lahaa nidaamka difaaca jidhka, taasi waxay keenaysaa in fayraska ama xannuun-keenuhu uu tahli kari waayo in uu kugu keeno khatar nafta halis galiya oo aad wakhti dheer aad u jiifto.

Hadaba, Cunnada aad qaadato iyo nidaamka nololleed (life style) ee aad caadaysataa waxay qayb ka qaadataa xoojinta awooda difaaca jidhkaaga.

⦁ WALAACA AMA WALBAHAARKA JOOGTADA AH: Waxa uu hoos u dhigaa awooda difaaca jidhka iyo in jidhku jawaab celin ka sameeyo weerarka uu xanuun-keenuhu ku soo qaado jidhka. Mar kasta oo aad walaacdo ama walbahaar ku soo wajaho, qanjidh ku yaala kelyaha dushooda oo loo yaqaan (ADRENAL GLAND) ayaa soo daaya dheecaan loo yaqaan Kortisol (cortisol hormone). Dheecaankan Kortisol wuxuu faragalin ku sameeyaa ama khalkhaliyaa unugyada loo yaqaan (T-cells) oo ah unugyo khaas ah oo ka tirsan unugyada dhiiga ee cadcad kana qayb qaata difaaca tooska ah ee ay ku wajahaan fayraska soo weerara jidhka. Dheecaankan Kortisol (cortisol hormone) waxa kale oo uu yareeyaa nooc difaaca jidhka ka mid ah oo ku teedsan xuubka hawomareenka iyo dheefshiidka oo loo yaqaan (Secretory IgA); Waa nooc hub ah oo inaga ilaaliya xanuun-keenaha fayrasku inuu ka gudbo xuubka neef mareenka iyo habdhiska dheefshiidka.

Hadaba waxa cad in warwarka iyo walaacu daciifiyaan nidaamka difaaca jidhkeena, markaa waxa kula gudboon inaanad warwarin ama aad ku dadaasho sidii aad isku ilawsiin lahayd caqabadaha nolosha ee walaaca kuu horseedaya.

2. IN AAD QAADATO FIITAMIINADA XOOJIYA DIFAACA JIDHKA: Sida Fiitamiin C, kaasoo ah Fiitamiinada ugu muhiimsan fiitamiinada kor u qaada nidaamka difaaca jidhka oo dhan. Xaqiiqdii, fiitamiin C hadii uu kaa dhiman yahay, waxaad u nuglaanaysaa inaad u jirrato ama u jiifsato xanuunada ay keenaan fayrasyada daciifka ah. Cunnooyinka hodanka ku ah fitamiin C waxaa ka mid ah liin-macaan, saytuunka, liin-baydariin (tangerines), midhaha strawberry, isbinaajka (spinach), iyo qaar kale oo badan.
Qaadashada fitamiin C-gu maalin kasta waxay muhiim u tahay caafimaadkaaga oo wanaagsanaada sababtoo ah Fiitamiinada jidhku ma kaydiyo waana in la qaato si maalinle ah.

B) Fiitamiin B6 (Vitamin B6) : Fiitamiin B6 wuxuu muhiim u yahay taageeridda ficil-celinta iyo xoojinta nidaamka difaac ee jidhka. Cunnooyinka ay ku badan yihiin fiitamiinka B6 waxaa ka mid ah digaagga iyo kalluunka sida salmon iyo tuna. Waxa kale oo laga helaa Fiitamiin B6 ; kaarootada (carrots), babaayga(papaya), baradhada (potatoes), avocado, iyo muuska.
C) Fiitamiin E: Fiitamin E wuxuu ka saaraa jidhka maadooyinka aadka u yaryar ee waxyeelada gaadhsiiya unugyada jidhka (antioxidant), wuxuuna awood u yeelaa difaaca jidhka iyo la dagaalaganka caabuqa unugyada soo gaadha. Cunnooyinka hodanka ku ah fitamiin E waxaa ku jira lawska, isbinaajka, iyo canbaha (mango).

3. JIMICSI SAMEE:Jimicsiga joogtada ah ee la sameeyo 20 daqiiqo maalintii ayaa si cilmiyaysan loo cadeeyay inay kor u qaado nidaamka difaaca jidhka. Jimicsiga joogtada ahi wuxuu abaabulaa unugyada T (T cells); oo ah nooc unugyada cad ka mid ah oo la dagaalama xanuun dhaliyaha fayraska. Jimicsigu waa inuuna noqon mid adag oo ka badan tabartaada. Waxa kugu filan socod hal saac ah, ama gucle-orod 20 daqiiqo ah (20 minutes).
4. HURDO KUGU FILAN SEEXO: Hurdo la’aantu waxay horseedaa in (adrenal gland) qanjidhka ku yaala kalida dusheedu soo saaro dheecaanka cortisol iyo adrenaline oo sababa inuu daciifo awooda difaaca jidhka iyo firfircoonaanta in la hawlgaliyo unugyada ka falceliya marka fayrasku jidhka soo galo iyada oo yaraynaysa unugyada T (T cells). Tani waxay daciifineysaa nidaamkaaga difaaca waxaanad u nuglaanaysaa in xanuunadu si dhib yar kuugu dhacaan. Si awoodaada difaac u xoogannaato, waxa haboon inaad seexato 7-8 saacadood habeen kasta.

5. JOOJI SIGAAR CABIDA: Jooji sigaar cabista sababtoo ah ma aha oo kaliya inuu kordhiyo halista kansarka laakiin wuxuu sidoo kale wiiqi karaa nidaamka difaaca jidhkaaga. Sigaar cabista ayaa la sheegay inay saameyn xun ku leedahay difaaca jidhku dabiiciyan leeyahay iyo ka la xoojiyay iyadoo la isticmaalayo cuntooyin labadaba.
Sigaarku dhibaatooyin kale ayuu gaadhsiiyaa sanbabada, xididada dhiiga, waxana uu keenaa kansarka sanbabka iyo ka hawo mareenkaba. Waxa haboon inaad iska joojiso cabida sigaarka si difaaca jidhkaagu u ahaado mid xooggan oo iska difaaca xanuun-keenaha fayraska iyo caabuqyada kaleba.
6. U BAX QORAXDA AMA ISTICMAAL FIITAMIIN D : Iftiinka dabiiciga ah ee ka soo baxa qoraxdu waa mid ka mid ah kuwa ugu weyn ee wax ka geysta in jidhku samaysto Vitamin D. Fiitamiin D-gu wuxuu muhiim u yahay ka shaqeysiinta nidaamka difaaca maxaa yeelay wuxuu ka caawiyaa jidhka inuu soo saaro unugyada difaaca. Fitamiin D ga jidhkaaga oo hooseeya ayaa ah sababaha ugu waawayn ee kuu nugleeya hargabka, iyo xanuunada habdhiska neefsashada.
Daraasaduhu waxay tibaaxayaan in dadka midabka madow leh ay u baahan yihiin 30 daqiiqo ilaa seddex saacadood in ka badan si ay u helaan fiitamiin D ku filan, marka loo barbar dhigo dadka maqaarka cad leh (light skin). Tani waa sababta ugu weyn ee dadka maqaarka madow ay helista ugu jiraan in fiitamiin D gu ku yaraado dhiigooda.

Sababtaas awgeed, waxaad u baahan tahay waqti badan in qorraxda aad ku qaadato si aad u hesho qiyaasta fitamiin D-maalinle ah oo kugu filan, waxaana xusid mudan, in dadka ku nool wadamada ka fog dhul badhaha ‘equator’ aanay soo saari Karin jidhkoodu fitamiin D bill,aha jiilaalka maadaama aanay qoraxi jirin xilliyadaas.

Waxa sidoo kae laga yaabaa in shaqsiyaadka qaarkood jidhkoodu samaynin in uu soo saaro fitamiin D-ga, waana kuwa halista ugu jira Fiitamiin D yarida, taasoo sababi karta in uu nuglaado awooda difaaca jidhku, isla markaana uu iska cabin kari waayo xannuun kasta.

Dadkaas waxa ka mid ah:
a) Dadka da’da ah
b) Dadka aadka u cayilan
c) Dadka qaba xanuunada Kalyaha ama Beerka
Cunnooyinka laga helo fitamiin D-ga waxaa ka mid ah:
Kalluunka dufanka leh, sida tuna, mackerel, iyo salmon

Cunnooyinka lagu xoojiyay fiitamiin D, casiirka liinta, caanaha, iyo badarka, Beerka lo’da, Ukunta qeybta huruuda (jaalaha ah, haddii aad ku nooshahay wadamada aan qoraxda helin, waxa haboon in aad qaadato Vitamin D 400-800 IU (10-20 mcg) maalin kasta.
7. TOONTA: Toontu waxay ka kooban tahay maadooyin ka caawiya nidaamka difaaca jidhka inuu la dagaallamo jeermiga.
Waxa ku jira maado loo yaqaan (ALLICIN) waana maadada carafta toonta xambaarsan. Waxyaabaha kale ee toonta laga helo ee ka qayb qaata xoojinta difaaca jidhka waa Mangenese, FiitamiinB6, Fiitamiin C iyo maadada selenium

Waxa Qoray : Dr.Mustafa Mohamed Ahmed
Dhakhtarka Caruurta (Pediatrician)
MBBS, MD