Dawlada Iiraan oo Waraan Soo Qabasho ah U Jartay Madaxwaynaha Maraykanka

Tehran (OWN) – Dowladda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa soo saartay Waaran lagu soo xidhayo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump kaas oo ay Rumeysan yahiin Iiraaniyiintu inuu ka dambeeyay duqeymahii lagu dilay sarkaalkii   ka tirsan xukuumada Tehran  ee Qaasim Sulaymaani.

 

 

 

Iran ayaa booliska caalamiga ah ee Interpol ka codsatay iney gacan ka geysato sidii loo soo qaban lahaa Donald Trump, waxaana loo heystaa dilkii Qassem Soleimani.

 

 

 

Ali Alqasimehr oo ah dacwad oogaha sare ee Iran ayaa aaminsan in Trump iyo soddomeeyo kale oo dad ah ay wajahayaan dacwad ku saabsan dambiyo iyo dilal la xiriira argagixisanimo.

 

 

Horaantii sanadkaan ayey aheyd markii diyaaradaha Mareykanka ee aan duuliyaha laheyn ay gantaal ku dileen Soleimani oo ahaa sarkaalkii ugu sarreeyey guutada Qudus ee ciidamada kacaanka Islaamiga ah ee Iran.

 

 

Hay’adda Booliska caalamiga ah ee Interpol ayaan wax war ah kasoo saarin hadalka kasoo yeeray dowladda Iran.

 

 

Donald Trump wuxuu aaminsan yahay in sarkaalkii laga dilay Iran uu qorsheynayay weeraro waaweyn oo ka dhan ah xukuumadda Washington.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker