Cilmiga u adeegida bulshada “Social Work”

Cilmiga u adeegida bulshada waa aa adeeg xirfad caawineed taas oo looga dan leeyahay in wax loogu qabto, shakhsiyaadka, qoysaska iyo bushoyinka si kor loogu qaado badhaadho nololeed, sido kale cilmigan waxaa looga dan leeyahay in kor loogu qaado xirfada iyo kartida dadka u baahan taageero dhaqaaleed si u xaliiyaan dhibaatooyinkooda gaarka ah. Dhanka kale cilmiga u adeediga bulshada waxa uu si dhaw ula shaqeeya xirfadlaayasha kale oo arimaha bulshada si ay si wada u jir ugu adeegaan dadka baahiya gaarka ah qaba.

Sidoo kale adeegayaasha bulshadu waxay isku xidhaan dawlada, dadka iyo haayadaha ka shaqeeya arimaha bani aadamnimada si kor loogu qaado nolosha dadka, iyadoo loo maroyo jid habaysan oo la raaco sida shaqaale tabobaran, la taliyayaasha nafsiyeed, bahda caafimadka iyo iyo daryeelka dawladu ay ugu talo gashay dadk tabaalaysan. Dhanka kale cilmiga adeega bulshada waxa u si toos ugu adeega dadka baahiya gaarka ah qaba, sida kuwa aanu laxaadkoodu dhamaystiran oo ay ka mid yihiin, kuwa araga naafada ka ah, kuwa dhagaha naafada ka ah,kuwa lugaha iyo gacmuhu aanay u dhamaystirnayn iyo cid kasta oo la odhan karo waa ay ka nugul yihiin bulshada inteeda kale.

Waxa kale oo iyaduna muhiim ah in adeega bulshadu uu si gaar ah ula shaqeeyo caruurta hadii ay tahay xuquuqdooda, waxbarashada, koritaankooda maskaxeed iyo jidheed, sido kale cilmiga adeega bulshadu waxa diirada saaraya dhamaan xuquuqaadka aas aasiga ah ee ay caruurtu leeyihiin waa tiirka ugu muhiimsan ee cilmiga adeega bulshada, caruurta badana waxa koriya waalidka sas awgeed adeega bulshada ee wadamada horu maray waxay ku dabo galaan in waalidku caruurta ula dhaqmay sidee lo baahan waxaana tusaale wanagsan u noqon kara in aynu marar badan aynu maqalnay in hooyooyin badan oo soomaaliyeed laga qaaday ama laga wareegay ubadkooda iyadoo lagu eedaynayo inay dayaceen ama ay ula dhaqmeen si ka baxsan anshaxa hadba wadanka ay joogaan.

Ugu dambeyna cilmigan adeega bulshada ma jirto taariikh sax oo laga hayo wakhtiga uu bilaabmay iyo cida bilowday toona, hadana badana waxa lo asteeya inuu soo bilaabmay qarniyadii 18aad iyo 19aad iyadoo loo yaqiin magacyo kale oo mar dambe ayuu yeeshan magacan u gaarka, cilmigan wuxuu sii casriyoobay dagaalkii 2aad ee aduunka ka dib markaas oo qaramada midoobay ay sameeyen haayado caalami ah, sida haayada caafimaadka, waxbrashada, xuquuqda caruurta iyo qaar kale oo badan, sido kale wadamaduna waxay yeesheen ururo iyo haayado gudeed, iyadoo uu hadana sii maraya wajiyo badan oo aakhirkuu isku badaleen in urur ma haayad ay cid kasta furan karto.

Cilmiga adeega bulshada (social work) wuxuu uu leeyahay mabaa dii iyo qawaaniin laysla gartay oo looga baahan yahay in qof kasta oo adeege bulsho ahi uu raaco iyadoo hadii uu ka gudbana uu ku mataysano ciqaab ku haboon hadba falka uu sameeyo qofkaas, xeerarkaa iyo qawaaniintaas waxa ay isugu jiraan kuwo caalami iyo kuwo ku kooban hadba cida isticmaalaysaa meesha ay ku nool yihiin, waxaa aynu tusaale usoo qaadan karnaa waxa aynu u naqaano xeer hoosaad, haayadaha waawayn waxay dajiyaan qawaaniin ay isticmaali karaan cid kasta oo iyaga si dhaw ula shaqaysa, qawaaniinta wax aka mid ah.

  • Abuurida xidhiidh la talineed ( Establishment of a counselling relationship)

Dadka martida u ah qofka ah adeege bulshadeed waxa laga doonaya in uu dareemo dhibaatooyinka hoose ee qofka dhibanaha ah, sido kale waxa jira dad ay dhibaato kasoo gaadhay dhanka nafta, sida in qofkaas uu culays ka dhexlay geeri ku timi, waayida wax muhiim uh, arimaha qoyska iyo tacdiyada ka dhanka ah jinsiga.

  • Qaanuunka aqbalitaanka( principle of acceptance)

Aqoonsiga bani aadamnimo ee qofka ama in qofka lagu aqablo sida uu yahay, iyado oon la tix galinayn, midabka, luuqada, diinta, afkaaraha, siyaasada, hab dhaqanka iyo meesha uu kasoo jeedo iyado la ixtiraamayo sharafta iyo bani aadamnida.

  • U daynta go’aanka qofka( principle self-determination)

Ku dhiiri galinta qofka inuu iskii u samaysto waxa uu u malaynayo inay faa’ido u tahay, sido kale ku ixtiraamida qofka go’aanadiisa khaaska ah iyo qofku masuul buuxda ka noqdo naftiisa.

  • Ikhtiyaarka doorshada( principle of Freedom to choose)

Qofka loo adeegayo waa inuu awood u yeesho inu kala garto oo uu daarto waxa uu doonayo, sido kale aanaad ku khasbin wax aanu rabin, dhanka kale in qofka aad ka caawin karto siinta macluumaad ku filan si uu doorasho u sameeyo.

  • Ilaalinta xogta ( Principle of Confidentiality)

Ilaalinta xogta iyo sirtu waa qodob aad u xasaasi ah marka la joogo adeega bulshada, islaam ahaan ilaalinta sirta iyo amaanadu waa qodob aad loo adkeeyay, saas awgeed adeegaha bulshada waxa looga baahan yahay inuu aad xil isaga saaro ilaalinta xogta qofka, tusaale ahaan bukaanada qaar aya qaba cudurka HIV AIDS gayiga sooomaalida cudurka cidii qabta waxaynu u naqaan inuu yahay qof ilaahay nacay markaa waa lama huraan in xogta qof kasta la ilaalsho.

Qawaanta looga baahan yahay qofka adeegaha bulshada aadbay u badan yihiin, oo inahaas sare ayaa ugu muhiimsan oo waxa iyadoo faah faahsan laha heli karaa jaamacdaha bixiya cilmiga adeega bulshada iyo google ka.

 

Dhanka kale cilmiga adeega bulshadu waxa uu leeyahay akhlaaqiyaad iyo anshax looga baahan yahay qof kasta oo adeege bulsho ah, waxa jira sunnoyaal kawni ah oo aan ku xidhnayn diin, dhaqan iyo cid kale oo gaar ah, waxaana ka mid ha sunnoyaashaa naxariista, dulqaadka, daacidnimada, deeqsinimoda, is caawinta iyo kuwo kale oo badan. Diinteena suuban in badan ayay dhiiri galisay arimahaas kor ku xusan markaa waa lama huraan in islaam ahaan  aynu dadka kale kaga wanagsanaano waxybaahas ay diinteena suuban ay dhiiri galisay sido kale aynu dadka ugu faaidayno xirfada cilmigan bulshada.

Akhaaliqiyaadka adeegaha bulshada:

  • Ixtiraamka iyo qadarinta
  • Aqoonta iyo xirfada u adeegista
  • Aqoonsiga bani aadamnimo iyadoo la tix galinayn( jinsiga, dhaqanka, diinta, midabka, afka iyo meesha uu kasoo jeedo.)
  • Adeecida kala duwanaanshaha dadka
  • Fahanka xaalada qofka( xanuunka iyo werwerka)

Kaliya inahaas ayaa ugu muhiimsan, maadama ay faro badan yihiin akhlaaqiyaadka looga baahan yahay qofka adeege bulsheed ah, sido kale qofka adeegaha bulshada ah aya ay waajib ku tahay inuu raadiyo waxyaabaha looga baahan yahay si uu adeeg wanagsan u siiyo qofka dhibanaha ah ama qofka u baahan in la caawiyo.

Ugu dambeyntii cilmigan adeega bulshada waxaa in badan islaamku la xidhiidhiyaan, amiirkii mu’miniinta ee Cumar ibnu khadaab maadaama uu habeenkii dadka u khidmayn jirey isagoo waliba gacmihiisa ugu qaadi jirey wixii ay dadku u baahan yihiin, iyadoo laga faaidaysano cilmigan waxa inala gudboon in aynu dadkeena ugu adeegno, iyadoo aynu lacag iska ururinayno ama raashin iyo wax kasta oo la heli karo, dalkeena waxa ku nool dad badan oo tabaalaysan, caruur aan waxbrasho haysan iyo dad badan oo xanuuno la taacalaya,

Waxa jirta gabar yar oo anan magaceeda saxayn, waxay u dhalatay dalka Uganda, waxa ay samaysay in lacag dhan 1 dollar ay dadka ka ururisay ka dib waxay wax badan ugu qabatay, sida iyadoo meelaha dadku istaagan ee basaska ay ka samaysay meel la hadhsado, dadka naafada ah waxay ugu iibisay gaadhiga yar ee la raaco, sido kale dadka wadooyinka wax ku iibiya aya waxay siisay dalaayad iyo waxyaabo kale oo badan.’

Inagagana waxa inala gudboon in aynu hurno in yar oo wakhti ah si aynu dadka ugu adeegno, xaga ilaahayna ajar ayaynu leenahay hadi aynu si niyyad ah hawshaas oo kale u qabano.

 

W/Q: Mukhtar Ahmed Nour

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker