Beesha Caalamka Oo ka Hor-timid Go’aanka Dawlada Somaliya Ee Arimaha Doorashada.

Beesha Caalamka ayaa qoraal ay kasoo saartay doorashooyinka Soomaaliya uga hortimid go’aanada baarlamanka Soomalaiya, waxayna soo jeedisay in go’aanada la Xidhiidha doorashooyinka dalka ay noqdaan kuwa laga wada-tashado oo heshiis laga gaaro.

 

 

Qoraalka Beesha Caalamka ayaa lagu sheegay inay marka hore ay soo dhoweynayaan, ugana mahad-celinayaan khudbaddii guddoomiyaha gudidga madaxa-banaan ee doorashooyinka Xaliimo Yarey a yu jeedisay Golaha Shacabka, halkaasi oo ay kusoo bandhigtay laba farsamo oo lagu qaban karo doorasho qof-iyo-cod ah.

 

 

Hase yeeshee Beesha Caalamka ayaa tidhi “Waxaan adkeeneynaa baahida weli taagan ee loo qabo in Soomaalida ay wada-hadallo loo dhan yahay ka galaan, si loo helo heshiiska ugu ballaaran ee laga gaari karo mowduucan loo dhan yahay, waxaana hoosta ka xariiqeynaa muhiimadda wada-hadal buuxa oo dhameystiran oo ay yeeshaan dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada,” ayaa lagu yidhi qoraalka beesha caalamka.

 

 

Beesha Caalamka ayaa sheegtay inay soo dhoweeneyso dhowaaqii uu madaxweyne Farmaajo ku sheegay inuu kulan la yeelan doono madax maamul goboleedyada laga billaabo 5-ta illaa 7-da July.

 

 

“Waxaan boorineynaa in kulankan uu noqdo tallaabada xigta ee loo qaado wada-tashi ballaaran oo ay yeeshaan saamileyda muhiimkda ah [ee siyaasadda Soomaaliya],” ayaa lagu yiri qoraalka beesha caalamka.

 

 

“Waxaan sidoo kale ognahay in baarlamanka ay kulmayeen ayaga oo ka xaajoonaya arrimo la xiriira sharciga doorashooyinka. Waxaan ku baaqeynaa in marka hore heshiis la gaaro ka hor go’aanada. Waxaan ugu baaqeynaa Hogaamiyayaasha Soomaalida inay ka shaqeeyaan inay deg deg heshiis uga gaaraan waddada ay ku qaban karaan doorashooyin qaran iyo arrimaha ahmiyadda u leh qaranka ee taagan,” ayaa lagu yiri qoraalka beesha caalamka.

 

 

 

Qoraalkan ayaa waxaa si wada jir ah usoo saaray AMISOM), Belgium, Denmark, Ethiopia, European Union, Finland, France, Germany, Intergovernmental Authority on Development (IGAD), Ireland, Italy, Japan, Netherlands, Norway, Sweden, Switzerland, Turkey, Uganda, United Kingdom, United States, iyo United Nations.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker