Wasiirka Maaliya Jabuuti Oo Sheegay in Banaanbaxyada ay ka Dambeeyaan Dad Leh Ujeeddooyin Siyaasadeed

Dowlada Jabuuti ayaa sheegtay in banaanbaxyada ka socda dalkeeda ay ka dambeeyeen Shaqsiyaad doonaayay in la dumiyo dalka Jabuuti.

 

 

Wasiirka Maaliyadda Jabuuti Ilyaas Muuse Dawaale, ayaa sheegay in dad leh ujeeddooyin siyaasadeed ay ka danbeeyaan bannaan- baxyada ka socda waddankiisa.

 

 

Dawaale, ayaa sheegay in aanay cidna ka ogolaan doonin dumiso Jabuuti.

Qaar ka mid ah Gobolada dalka Jabuuti waxaa ka dhacay dibadbaxyo looga soo horjeeda xariga askeriga gadooday ee dhawaan soo duubay muuqaal uu uga sheekeynaya sida loola dhaqmay inta uu xasbiga ku jiray.

 

 

Muddaaharadayaal careysan ayaa taayeero ku gubay waddooyinka iyagoo dalbanaya in la sii daaya Fu’aad Yuusuf Cali oo horay u ahaa duuliye ka tirsan ciidammada cirka ee Jibuuti.

 

 

Xaaladda dalka Jabuuti ayaa maanta deggan ka dib markii ay shalay halkaas ka dheceen banaanbaxyo ay dhigeen dad ka caraysan askarigaas ka tirsanaa ciidanka cirka oo laga soo musaafuriyey dalka Itoobiya ka dibna gacanta loo geliyey dawladda Jabuuti.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker