Maqaallo Beerta Nasashada. W/Q Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud

Meel xafiis ah ayaan shaqo u fadhinaa. Shir muhiim ayaan ku jirnaa, waliba kulanku meel xasaasi ah ayuu marayaa. Iyada oo doodu kala qalantay oo xubno door ahi nuxurkii hadalka u daadageen, ayaa mudalab maqaaxi naga ag dhaw ka shaqeeyaa daf soo odhanayaa. Shaah iyo biyo dadka martida ah loo dalbay ayuu noo wadaa. Isaga oo aan sugin halka hadalku marayo, cod dheer ha ku yidhaahdo:

 

“Shaah mise sharaab, maxaad cabaysaan?”

 

Hadalkii iyo dooddii shirku hakad ha ku yimaado oo ha kala joogsado. Markii cabbitaankii waxoogaa la qaybiyey ee dadkii madasha fadhiyey la wada gaadhsiiyey, wiilkii aan u mahadnaqo, dooddiinna aan dib u furo.

 

Aniga oo isku dayaya inaan kulanka majarihiisii ku soo celiyo, waxoogaanna uu hadalkii isku duba-dhacay, mas’uul ka qaybgalayaasha shirka ahi, cod dheer ha ku dalbado biyo aan qaboobayn. “Biyahan qabaw iga beddel oo kuwa caadi ah i sii”, ha sii raaciyo. Dhawr xubnood oo kalena waa kuwa ku daba dayday. Haddanna mudane kale oo dhinaca bidix iga fadhiyey, shaahii waa ka celiyey ee bun dalbaday. Ka dib hakad kale oo aan loo baahnayn waa kuwa horseeday.

 

Waxa culays gaar ah nagu haya, dadkan intooda badan marka horeba si dirqi iyo fool adag ayaan iskugu keennay. Inay mar dhaw cararraanna way u badan tahay. Aniga oo ka mahadnaqaya ka soo qaybgalka iyo waqtiga ay soo hurreen ba, si asluubaysan mar kale waaniga ku dadaalay inaan hadalkii dib u furo. Qaddar ha qaadato in dib la iskula wada jaanqaadaa, balse ku guulaysannay. Iyada oo ajandihiina lagu soo noqday, la is dhegaysanayo, aragti wadaagna meesha ka muuqdo, wiilkii cabitaanka keenay oo intii hore aamusnaan weelka ku urursanayay, telefoonkiisa gacanta (oo aad u cod dheeraa) ha la soo waco oo miyuusik dananayaa hoolkii ha qabsado. Isaga oo aan isba lurin, waa ka qabtay ee qosol iyo hadaltiro iska bilawday. Degdeg aan ugu sheego inuu telka aamusiiyo ama la baxo. Wiilkii oo sii baxaya, xoghayntii shirka isna kiisii ha soo dhaco. Sidii marinku ahaa, isagana degdeg ula macaamilay.

 

Kulankii noo soo dhamaa, si fiicanna la isku afgaray. Waxaanse is waydiiyey, sida ay ku dhacday, dadkeenan kii maqaaxida ka shaqaynayay iyo kii waxbartay ee xafiiska joogay ba isku dhaqanka yihiin. Markaa saan xusuustay in tacliinta, tababarka iyo xirfaduhu ba kaabe yihiin, ha yeeshee asalka aan duugoobayni uu yahay dunta qofka.

 

Inta aanan guriga aadin waxa ii qorshaysan inaan sii maro, soo indha-indheeyo oo waxoogaa ku yara nasto beer dadweyne (Public Park) oo dhawaan magaalada laga hirgaliyey. Waa tii u horeysay ee nooceeda ah ee magaalada laga sameeyo. Aan idhaahdo dalka oo dhan ba laga furo. Maanta ka hor dhul dan guud ah oo sidan oo kale loo xafido oo waliba loo daryeelo, dalka kuma arag. Dan guud oo sidan loo naqshadeeyey, loogana faa’iideeyey, aad baan uga mabsuuday. Beero ama barxado sidan oo kale bulshadu ku nasato, ku haasawdo oo ku laydhsato, Allaa i lehe, baahi weyn baa loo qabay.

 

Intii aan meesha joogay, waxaan isha ku dhuftay dad badan oo nuuc walba leh oo goobta u nasasho iyo tamashle yimid. Qoysas wada socda, saaxiibo iyo rafiiq koox koox u fadhiya, hebello kali kali buug ugu akhrisanaya meel nadiif ah oo indho qabatin leh, intaba dhaayaha saaray. Waxaan arkayay shaqaale nadaafadda xil weyn iska saarayay, balse la xarbiyaya basrinta qashinka dadku sida xilkasnimo darada ah meel walba ugu dhaafayeen. Waxay gurayeen bacaha, caagadaha iyo hadhaagga cuntada ee aan loo meel dayin, ha yeeshee meel walba laga ga tagay.

 

Goobahan oo kale dadka waaweyn waa u garoon jimicsi oo way ku lugeeyaan, caruurta waa u goob ciyaareed, dad kale oo badannna waa u goob dalxiis, indhaha ay ugu raaxeeyaan, maskaxdana ku dajiyaan. Bilicda magaalooyinka qayb wayn bay ka yihiin; nolosha qoysaskana kaalin door ah ayay ka qaataan. Waxay kaalin mudnaanteeda leh ka ciyaaraan isku dheelitirka bii’ada, yaraynta dikhawga iyo qaboojinta jawiga. Heerka saxada ama tayada nolosha ee dadka magaalada ayay kobciyaan oo kor u qaadaan. Aniga oo jawigaas macaan ku jira, kana fikiraya sidii beertan nasashada oo kale loo badin lahaa, magaalooyinka kalena looga yagleeli lahaa, ayaan dhawaqa aleenkayga ku soo toosay. Sariirtii ayaan ka soo booday ilayn waqtigii salaadda Subax ayaa foodda inagu soo hayee. Show ninkaygani hurdada ayaan ku shaqaynayey!

 

 

W/Q Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker