Madaxweyne Muuse Biixi Ma Soo Celin Doonaa Warshadihii Laydhka Ee Magaalooyinka Hargeysa, Berbera Iyo Kaalintii Shidaalka Dowlada Hoose Ee Hargeysa?!

Xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Biixi oo hadda muddo laba sano iyo dheeraad ah xilka haysay, ayaa dhawaan soo saartay war-murtiyeed ay ku faah-faahinayso labadii sano ee ugu horreeyey Muddo xileedkeeda Hantida ay Dowladu lahayd ee ay dib ugu soo celisay gacanta Qaranka Somaliland, taas oo ay Dowladii hore ee Madaxweyne Siilaanyo ay shaqsiyaad ugu gacan gelisay qaab mugdi ku jiro oo ay ku naasnuujisay.

Shacabka reer Somaliland, siyaasiyiinta,wax-garadka iyo aqoon-yahanka dalka ayaa Xukuumadda Madaxweyne Biixi ku amaanay Hantidaas uu lahaa Qaranka Somaliland ee ay dib ugu soo celisay dadkii gaarka ahaa ee ay Dowladii hore ee arxanka darnay ee Siilaanyo ay ku naas-nuujisay, haseyeeshee haddana weli fari kama qodan hantida Qaranka ee weli ku jirta gacmaha dad gaar ah oo ay Dowladii hore ee Siilaanyo u gacan gelisay,kuwaas oo ay ugu mihiimsan yihiin Warshadiihii laydhka Dowlada ee Magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera iyo Kaalintii shidaalka ee Dowdlada hoose ee Hargeysa iyo  goobo kale.

 

Warshaddii Laydhka Ee Magaalada Hargeysa 2015-Kii

Bulshada reer Somaliland gaar ahaana dadka ku dhaqan magaalada Hargeys, siyaasiyiin ,Culimo ,Madax-dhaqameedka iyo aqoon yahanka, ayaa si weyn uga soo horjeestay markii ay Dowladii hore ee Madaxweyne Siilaanyo ay dhaxal wareejisay Warshadii laydhka ee magaalada Hargeysa,taasi oo ay ku wareejisay ganacsato manfac doon ah oo aan dan ka lahayn dalkan iyo dadkan,kuwaas oo ay qaab qarsoodi ah ugu wareejisay, iyadoo aan la garanayn waxay dhaafsatay ilaa hadda,waxaanay warshadaas ay gacanta ugu jirtaa  hadda shaqsiyaadkii ay Dowladii Siilaanyo ku naas-nuujisay,balse shacabka reer Somaliland ayaa weli waxay dhawrayaan inay warshadaasi ay mar uun dib ugu soo noqon doonto gacanta Dowlada Somaliland.

Dowlada Madaxweyne Biixi uu hoggaamiyo ayaa markii ay curatay u doonyeystay inay dib Qaranka ugu soo celiso Hanti kale duwan oo uu Qaranku lahaa, taas oo ay Dowladii Siilaanyo shaqsiyaadka u gacan gelisay,haseyeeshee shacabka reer Somaliland ayaa waxay Madaxweyne Biixi iyo Dowladiisa ka sugayaan in sidda ay hantidaa kale ee Qaranka ay dib ugu soo celisay Gacanta Dowlada inay iyana u soo celiso Warshadii laydhka Dowlada ee Magaalada Hargeysa, taas oo mihiim u ahayd guud ahaan-ba Qaranka Somaliland.

 

Warshadii Korantada Ee Berbera 2015

Xukuumaddii arxanka darnay ee Madaxweyne Siilaanyo uu hoggaamin jiray ,ayaa siddaas si lamid ah ganacsato macaash doon ah ugu wareejisay warshadii korantada ee Magaalada Berbera,taas oo aan loo geli wax tartan ah,balse qol madow ay hoostii ugu dhaxal wareejisay shaqsiyaad ay soo dhabar taabatay,wallow ay guud ahaanba bulshada reer Somaliland qaybaheeda kale duwani ay ka soo horjeesteen tallaabadaasi,haddana muu noqon mawqifkoodii diidmada ahaa mid ka hor-joogsaday Dowladii manaxaanka ahayd ee Siilaanyo wareejintii Warshadaasi,waxaanay ilaa hadda gacanta ugu jirtaa shaqsiyaadkii lagu naas-nuujiyey.

Xukuumadda Madaxweyne Biixii oo labadii sano ee ugu horreeyey muddo xileedkeeda ku guulaysatay inay dib gacanta Dowlad ugu soo celiso Hanti kale duwan oo mihiim u ahayd Qaranka Somaliland, taas oo ay Dowladii arxanka darnayd ee Siilaanyo ku wareejisay shaqsiyaad, haseyeesha waxay bulshadda reer Berbera iyo guud ahaanba shacabka reer Somaliland ay ka naawilayaan Xukuumadda Madaxweyne Biixi inay sidda ay Hantidaa kale ee Qaranka dib ugu soo celisay gacanta Dowlada in ay iyana dib ugu soo celiso Warshadii korantada ee Magaalada Berbera,balse waxa laga sugayaa ilaa hadda Madaxweyne Biixi inuu ku dhiirado soo celintaa Warshadaas uu lahaa Qaranku .

 

Dareenkii Ay Bulshadda Reer Somaliland Ka Bixiyeen Sanadkii 2015kii Wareejintii Warshadihii Laydhka Ee Hargeysa Iyo Berbera.

Ummadda reer Somaliland qaybaheeda kale duwan ayaa si weyn uga soo horjeestay tallaabooyinkii ay Dowladii manaxaanka ahayd ee Madaxweyne Siilaanyo ay shaqsiyaad macaash doon ah ugu wareejisay Warshadii korantadda ee magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera,balse dhawaaq-yaddii bulshadda may noqon kuwa ay Xukuumaddaas ku joojiso dhaxal wareejintii labadaa warshaddood, waxaana kamid ahaa dhawaq-yaddii Cahdigaas ee bulshada kuwan “Waxaan doonayaa inaan Baaq dhiilo ah u diro dhamaan Bulsho weynta Somaliland,Baaqaasi waxa weeye hantidii dhamayd ee Umaddu wada lahayd ayaa la wareejiyay ama lagu hayaa Boob aan caadi ahayn,Waxa ugu dambeeyay Hantida Ummadda ee la wareejinayo Warshadii Laydhka Berbera oo aad ka war haysaan inay tahay Xeebtii ugu Kululayd oo aan ku taageersanahay siday dadku uga dhiidhiyeen ay arrintaas u diideen.sida Warshadda Laydhka Hargeysa oo kale oo si Tuugo ah loogu wareejiyay dadkii Hantida Umadda iyagu horeba u boobay ee qaybtoodii iyo qayb kale oo aanay lahayn ba qaatay, Waxaan soo maray Warshaddii Laydhka, Shaqaalihii waxay yidhaahdeen waxaa nalagu wargaliyay inaanu shaqada ka dareero, waliba Askar baa naloo keenay bay yidhaadheen.”ayuu yidhi Boqor Raabi.

Dhanka kalena Siyaasi  Jamaal Cali Xuseen oo isaguna kamid ahaa Cahdigaas dadkii ka dhiidhiyey qaabka loo wareejiyey labada Warshadood ee korantada ee magaalooyinka Hargeysa Iyo Berbera ayaa sheegay isna siddan”Horta aduunka way ka dhacdaa in hanti ummadu leedahay laga dhigo mid gaar loo leeyahay laakiin jid loo maro oo sharci ah ayey leedahay oo dadka ayaa loo soo bandhigaa qandaraaska oo markaa cida lacagta ugu badan bixinaysa ayey dawladu hantidaasi ku wareejisaa, Laakiin waxaan aduunka ka dhicin in si qarsoodi ah inta meel madow la galo in la yidhaa hebel intaas siiya hebalna intaas kale siiya, isla markaana shacbigana la yidhaahdo hebel baa la wareegay iyagoon ogayn inta lacag ee laga siiyey iyo halka ay martay lacagtaasi midna, run ahaantiina taasi waxay noqonaysaa musuqmaasuq iyo sharci-daro.”Ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.

 

Wareejintii Kaalinta Shidaalka Dowlada Hoose Ee Hargeysa 2016kii

Sanadkii 2016kii bilowgiisii ayeyXukuumadda arxanka darnayd ee Siilaanyo ay Kaalintii shidaalka ee Dowlada Hoose ee Hargeysa  ay si muquuno ah ama siin ah qofba sidda uu u yaqaano ugu dhaxal wareejisay Ganacsade ay xigto iyo ehel ay yihiin afadii Madaxweyne Siilaanyo,kaas oo si qarsoodi ah loogu dhaxal wareejiyey Kaalintaas iyo dhismaheediiba,balse shacabka reer Somaliland ayaa ka soo horjeestay oo ka dhiidhiyey arrintaas, haseyeeshee Xukuumaddii Siilaanyo ayaan dheg-jalaq u siin dhawaq-yaddii bulshada,iyadoo ay qaaday jidkaas aan la mahadin ee ay ku dhaxal- wareejisay Kaalintaas iyo dhismaheediiba.

 

Haddaba tan iyo markii uu Madaxweyne Biixi tallada qabtay ee uu dhex-da u xidhay soo celinta Hantidii Dowlade ee gacmaha dad gaar ah la geliyey cahdigii Dowladii Siilaanyo, ayaa ilaa hadda waxay shacabka reer Somaliland ka sugayaan Madaxweyne Biixi inuu dib gacanta Dowlada ugu soo celiyo Kaalintii shidaalka ee Dowlada hoose ee Magaalada Hargeysa, taas oo ilaa maanta gacanta ugu jirta shaqsi ay ugu deeqday Dowladii Madaxweyne Siilaanyo, kaas oo ay ehel yihiin Marwo Aamina Waris.

 

Gebo-gebaddi Bulshada reer Somaliland ayaa ka sugaysa Madaxweyne Biixi inuu sidda uu Hantidaa kale ee Qaranka uu dib ugu soo celiyey gacanta Dowlada inuu iyana dib ugu soo celiyo gacanta Qaranka  labadan Warshadood iyo kaalintaas oo uu ka soo wareejiyo ashkhaastaa sifaha sharciga ka baxsan loo siiyey, waxaynu dhawraynaa waa inuu Madaxweyne Biixi uu ku dhiirado soo celinta labadaa warshadood iyo kaalintaas iyo inuu ka muquurto iyo in kale .

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker