Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska Wakiilka Somaliland ee dalka Sweden oo Dadka looga digayo inay Tigidho u goostaan dalkii

Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska Wakiilka Somaliland ee dalka Sweden ayaa dadka reer Somaliland ee ku dhaqan dalkan Sweden & qaarada Yurub lagu wargeliyey in aanay xiligan wax tigidho ah u goosan inay dalkii u socdaalaan, Wakiilka Somaliland ee Sweden Amb Zakariye Xasan Wacays oo warsaxaafadeedkan soo saaray ayaa sheegey inay lasoo xidhiidheen dad badan oo reer Somaliland ah kuwaasoo u sheegey in xafiiska diyaaradaha ee Ethiopian Airlines & xafiisyo kale ay ku yidhaahdeen dadkaa warqado kasoo qaata xafiiska Somaliland ee Sweden si aanu tigidhka idiinku jarno ama aad ugu socdaashaan dalkii,

 

 

Warsaxaafadeedkan ayaa lagu xusay in xukuumada Somaliland ay joojisay diyaaradaha dalkii iman jirey inta lagu jiro xaaladan xanuunka Coronoviruska isla markaana xafiiska Somaliland ee Sweden uu dadka u cadeynayo in aanay jirin wax warqad ah oo xafiisku uu siinayo, Safiirka ayaa sidoo kale dadka ku booriyey in aanay lacagtooda isaga khasaarin tigidhadaa oo hadhow keeni kara inay lacagtoodii waayaan,

 

 

Safiirka & Xafiiska Somaliland ee Sweden waxay sidoo kale dadka ku booriyeen inay raacaan talaabooyinka & amarada kasoo baxay xukuumada Somaliland ee safarada lagu joojiyey & weliba talooyinka gudida Somaliland u xil saaran COVIR 19 oo iyagu soo sheegi doona xiliga dalka la iman karo, Warsaxaafadeedkan ayaa sidoo kale waxaa uu Safiir Zakariye dadka reer Somaliland ee Qurbaha uu ku booriyey inay la xidhiidhaan xafiisyada & wakiilada dibada si ay uga helaan warbixin ku saabsan safarada xiligan ee dalkii

 

 

Safiirka Somaliland ee Sweden wuxuu dadka reer Somaliland ee Sweden uu uga mahadnaqayaa sida ay ula soo xidhiidheen isla markaana ay u ilaalinayaan isku xidhnaanta xafiiska & shacabka & in weliba dadku ay xafiiska ula soo xidhiidheen iyagoo doonaya inay raacaan talaabooyinka xukuunada Somaliland,

 

Zakariye Xasan Wacays

Wakiilka Somaliland ee Sweden

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker