Maayarka Burco Oo Shirkaddo Ganacsi Ku tilmaamay Xisbiyadda Mucaaradka Ee UCID Iyo Waddani

Maayarka magaaladda Burco Maxamed Yuusuf Muraad, ayaa ku dhaliilay hogaanka labadda xisbi mucaarad ee Somaliland in ay ka gaabiyeen kaalintoodii mucaaradnimo ee toosinta xukuumadda.

Balse ay taa bedelkeedda noqdeen kuwo u adeega cadowga Somaliland, isla markaana aanay kala garanaynin mucaaradadda iyo ilaalinta qaran-nimadda dalka.

Waxaanu ku tilmaamay labadda xisbi mucaarad ee  UCID iyo Waddani in ay noqdeen sidii laba shirkadood oo gaar loo leeyahay, iyadoo madaxdoodu ay ku kacaan tallaabooyin kala fogaynaya dadka reer Somaliland.

Geesta kale maayarka Burco waxa uu walaac ka muujiyay caabuqa Coronavirus oo uu sheegay in uu aad ugu sii fidayo magaaladda dad badani-na ay u dhinteen, isla markaana aanu jirin qalabka dadka  lagaga  baadho caabuqa.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker