Dowladnimadu waxay u baahan tahay tacab iyo dadaal joogto ah.

Inta la ogyahay aadamuhu waxa uu horumar toolmoon ku gaadhi karaan oo qudha hirgalinta nidaam dowladeed oo hufan.

Mana jirto cid horumar ku gaadhay dowladnimo la’aan iyo fowdo.

 

 Sidoo kale dowladnimodu maaha wax sida roobka samada uga soo da’a, mana aha wax ay dad kale hadiyad ahaan kugu siin-karaan.

Laakiin ummad kasta oo dowladnimada ku badhaadhay  iyada ayaa tacab iyo dadaal joogto ah u soo hurtay.

 

 Marka la eego dhabaha aynu Somaliland ahaan  dowladnimada u maraynaa maaha kii ku haboonaa, ee aynu ku gaadhi la hayn dowladda aynu maanka ku hayno.

Maxaayeelay dowladnimadu waxay u baahan tahay, in marka hore si mug leh seeska loogu  dhigo dowladnomo taabo gal ah, oo u adeegi karta dadka ay matalayso, haddii se marka la taagaba qabyaalad gadaanka loo sudho ama qalaaase lugaha loo galiyo, waa hubaal in aan jidkaa lagu gaadhi karin dowladnimo midho-dhashay.

 

 Sideedaba ujeedada iyo mihiimada dowladnimada loo yegleelaa  maaha saami-qaybsi iyo in beelo wax lagu qaybsado, laakiin waa in lagu horumariyo kaabayaasha nololeed ee ay bulshadu u baahan tahay sida  arrimaha bulshada, dhaqaalaha iyo siyaasadda.

Sidoo kale waxa dowladnimada  loo dhaabadeeyaa waa in la mideeyo xoogga, maalka iyo aqoonta oo  gundhig u ah horumar kasta oo aadamuhu gaadheen.

 

Dhaqamada uurkutaalada leh ee  bulshadeena ka dhex muuqda waxa ka mid ah, in hal-beega ugu sareeyaa ee aynu wax ku cabiraynaa uu yahay qabyaaladda iyo reernimada, taa soo udub dhexaadka u ah, caqababaha iyo mushkiladaha lugta jiidaya habsami u socodka shaqo ee qarankeenna.

 

Waxaan qarsoonayn, in dhaqdhaqaaqyada iyo afkaaraha bulshadeenna  ka dhex guuxayaa aanay ka turjumaynin baahida dhabta ah ee shacabkeenna ku gadaaman, islamarkaana ay salka ku hayaan dano kooxeed iyo shaqsiyeed oo loo galiyay shaadh qabiil ama qaran.

Inkasta oo ay  kooxahaasi iyaga oo ilmada yaxaaska qubaya ay si qiiro leh   u sheegaan in ay u adeegayaan qaranka iyo qabiilka ay afkiisa  ku hadlayaan, hadana waxay xaqiiqdu tahay in aanay cidna u adeegaynin ee ay marin habaabinayaan han iyo himilada shacabka Somaliland.

 

Guntii iyo gabo-gabadii waxa  innala gudboon in aynu dib u xisaabtano isna waydiin dhowr su’aalood, waa midda koobaade,  dareenka qabyaaladda xambaarsan ee uurkeena iyo maankeena dhex-jeefaa ma yahay mid innoo horseedi kara horumar bulsho iyo mid dhaqaale oo wax ku ool?.

 

Waa midda labaade,   khibradda iyo waayo-aragnimada  nolosha laga dhaxlay ma ku haynaa qabyaalad iyo qarannimo meel kuwada barbaaray, oo horumar iyo barwaaqo lagu gaadhay?.

 

Waa midda seddexaade,  ma garwaaqsan nahay in sababta qudha ee qarannimadeenu  u dhutinaysaa ay tahay qabyaaladda ku xididaysatay bulshada dhexdeeda?.

 

Waa midda afraade, ma yiqiinsan nahay in ummadaha dunida ku nooli ay kala duruufo iyo waayo yihiin, islamarkaana ay daruuri tahay in aynu   ku xisaabtanno duruufaha iyo xaaladaha innaga innoo goonida ah, sidoo kale aynaan awrka ku xidhiidhsan bulshooyin innaga xadaarad iyo aqoon durugsan?.

 

Waa midda shanaade, ma ku baraarugsan nahay in jidka qudha ee aynu horumar bulsho, mid dhaqaale iyo mid siyaasadeed ku gaadhi karnaa uu yahay dowladnimada oo aynu xoojino, qabyaaladda iyo danaysiga aynu tuurno.

 

Si kastaba ha ahaatee talaabada ugu macquulsan ee aynu qaadi karnaa waa in, innaga oo isku-duuban  dowladnimada is garabtaagnaa, islamarkaana si hagar la’aan ah ula-shaqaynaa.

Madaxweyne kasta oo la doortan waa in aynaan indho qabiil  ku eegin ee aynu indho qaran ku eegnaa.

cumar axmed cali

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker