Xaaladda Minneapolis Ee Maraykanka Oo Faraha Ka Baxday iyo Ciidamo Lagu Daad-gureyay

Dibadbaxo ayaa ku sii fidaya guud ahaan dalka Maraykanka oo ka dhashay  dilka nin madow oo aan hubaysnayn oo ciidmaada Booliska Minneapolis ay dileen Isniintii.

Dibadbaxayaasha cadhaysan ayaa fursad u helay inay dab qabadsiiyaan oo ay gubaan Saldhiga Booliska ee Minneapolis, Minnesota, waxaanu dabku gaadhay qaybo ka mid ah Saldhiga Booliska.

Floyd ayaa dhintay maalintii Isniintii kadib markii Askari Cadaan ah oo Booliska ka tirsani uu jilibka kaga qabtay qoorta Floyd oo jiifa.

Muuqaal Video ah oo la duubay ayaa muujinaya Floyd oo ku dhawaaqaya kuna leh Askari ma neefsan karayo ka hor inta aanu miir doorsoomin isagoo sidii ugu sii haya Askariguna jilibka uu dhintay.

Afar Askari oo ku lug yeeshay dilka ninkaasi Madowga ah ayaa shaqada laga eryey, balse qoyska ninka dhintay iyo bulshada ku dhaqan deegaankaasi ayaa ku baaqaya in la soo xidho Askartaasi oo aanay ku filnayn shaqo ka eryida oo kaliya, lana hor keeno sharciga.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker